Saraakiisha dowladda oo ka warbixiyay dagaal xalay ka dhacay Kismaayo

by Somali | Friday, Dec 7, 2012 | 20 views

Kismaayo : HN :   Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay fashiliyeen sida ay hadalka u dhigeen weerar ay damacsanaayeen kooxda Al-shabaab in ay ka geystaan gudaha magaalada Kismaayo, kuna dilaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

Rag hubeysan ayaa xalay weerar toos ah ku qaaday fariisimo ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah magaalada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskanbooni, taasoo keentay in labada dhinac uu dhaxmaro dagaal fool ka fool ah.

Saraakiisha waxaa ay sheegeen in ku dhawaan 20 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab gudaha u soo galeen magaalada, iyaga oo damacsanaa in ay fuliyaan weeraro qorsheysan oo bartilmaameed leh, laakiin ay ka hor tageen ciidamada dowladda.

‘’Waxaa ay doonayaan in ay meelo gaar ah weeraraan dadna ku dillaan, laakiin arintaa ciidamada waa ay ka war helleen dagaal toos ah ayaana dhaxmaray, dibna wey u carareen ayuu yiri,’’ Col C/llaahi Colaad oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in ay markii hore si qarsoodi ah oo aysan ciidamada ka war qabin u soo galeen magaalada, laakiin markii danbe khasaare xoog leh la gaarsiiyay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay Al-shabaab ka soo saareen dagaallka xalay ka dhacay magaalada Kismaayo.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!