Saraakiisha Kenya oo sheegay in ay ku jabiyeen ciidammada Al-shabaab dagaallkii Buula-guduud

by admin | Tuesday, Oct 7, 2014

Kismaayo : HN :–Afhayeen u hadllay ciidammada Kenya ee ku sugan gobolka Jubbada hoose, ayaa warbaahinta u sheegay in ay dilleen ilaa 22 ruux oo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab, kaddib weerar maalintii shalay ay ku qaadeen deegaannka Buul-guduud.

Afhayeenka ayaa siddoo kale sheegay in ay bur buriyeen saldhigyo ay lahaayeen Al-shabaab oo ay adeegsan jireen weerarada ay ku sooCiidamada_Kenya_Kismayo_2 qaadaan magaalada Kismaayo iyo deegannada kale ee gobolka oo ay ku sugan yihiin ciidamada Jubba iyo kuwa AMISOM.

”Waxaa ka gubnay saddex gadiidkooda dagaalka ah iyo xarumo ay u adeegsan yihiin saadka militari, waxaana siddoo kale ka qabsanay hub iyo rasaas ayuu yiri,” afhayeenka u hadllay ciidamada Kenya.

Howlgalka ciidammada dowladda Kenya ay ku  fuliyeen deegaannada gobolka Jubbada hoose ayaa ku soo beegmaya xili ciidammada dowladda maalintii shalay si rasmi ah ula wareegeen degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!