Saraakiisha Kenya oo sheegtay in 11 dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ku dilleen Lamu

by admin | Sunday, Jun 14, 2015

Lamu : HN :–Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar ku qaaday xero ciidamada Milateriga Kenya ku lahaayeen deegaan u dhow degmada Lamu ee Gobolka Xeebta.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegeysa in 11 dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerarkaas, kuwaasoo labo ka mid ah ay ahaayeen rag cadaan ah.

Afhayeenka Ciidamada Milateriga Kenya Col. David Obonyo ayaa sheegay in weerarkaas ay ku furteen hub iyo rasaas, waxaana uuKenya-troops xusay in labo askari ka tirsan Ciidamada Kenya ay ku waayeen dagaalkaas.

“Al-Shabaab ayaa waxay soo weerareen xero milateri ku taal Baure oo ka tirsn degmada Lamu, hub fara badan ayaa ka qabanay, weerarkaas waxaa si deg deg ah uga jawaabay Ciidamada difaaca Kenya”ayuu yiri Obonyo.

David Obonyo ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen illaa 13 qoryaha AK47, shan xabo oo qoriga RBG iyo sideed bambo gacmeed, waxaana tiro dhaawacyo ah ay u baxeen deegaanada keymaha ee Boni

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dadka deegaanka inay ciidamada ammaanka ku soo wargeliyaan haddii ay arkaan dad dhaawacyadooda rasaas ka muuqata oo raadinaya gargaar caafimaad

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya, xilli muddo sanad ah ay ka soo wareegatay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Mpeketoni, halkaasoo lagu dilay illaa 48 ruux.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!