Saraakiisha oo ku hanjabay in ay Al-shabaab ka saraayaan magaalada Baardheere ee gobollka Gado

by Somali | Thursday, Jan 3, 2013 | 4 views

Gado : HN :   Saraakiisha dowladda  ee  ku sugan gobollka Gado ayaa ku hanjabay in dhaawan ka saari doonaan magaalada Baardheere iyo degmada Buur-dhuubo ee gobollkaas xoogagga Al-shabaab ee hadda gacanta ku haya.

Afhayeen u hadllay saraakiisha gobollka Gado oo lagu magacaabo Diyaad Cabdi Kaliil ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyay qorshayaal la doonayo in gobollka Gado looga saaro kooxaha ka tisran Al-shabaab ee wali ku sii harsan, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay magaalada Baardheere ee xarunta gobollka Gado iyo degmada Buur-dhuubo oo ay ku xoogan yihiin Al-shabaab.

‘’Hadda ciidamada dowladda waxaa ay fariisimo ku leeyihiin oo ay kaabiga ku hayaan magaalada Baardheere, dhawaanna gudaha ayaan u gali doonaan ayuu yiri,’’ Diyaad Cabdi Kaliil.

Dad ku dhaqan degmada Baardheere oo ay warbaahinta la hadasha ayaa sheegay in xiisado dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo gudaha magaalada, iyadoo xoogagga Al-shabaab ee  gacanta ku haya magaalada isku diyaarinayaan in ay iska difaacaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.

Waxaa uu sheegay Diyaad Cabdi Kaliil in ay warar ku heleen in saraakiishii Al-shabaab intooda badan isaga baxeen magaalada kadib markii ay ka war helleen in ciidamadeena ku sii wajahan yihin.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!