Sarkaal horay uga tirsanaa xoogagga Ahlu Sunna oo lagu dillay Muqdisho

by admin | Monday, May 4, 2015

Muqdisho : HN :– Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha lagu dillay galinkii danbe ee maalintii shalay sarkaal horey uga tirsanaa xoogga Ahlu Sunna Waljameeca ee gobolka Dhexe, kaasoo lagu magacaabi jiray Max’ed Shidane Diiriye [Daqarre]

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in marxuumka la dillay in sannadkii 2008-dii  uu ka mid ahaa saraakiisha Ahlusunna ee dagaalka kula galay xoogagga Al-shabaab Gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia, isagoo mar soo noqday taliyaha amniga degmada Guriceel.

Kooxihii dilkiisa geystay ayaa ka baxsaday goobta, iyagoo dhowr xabbadood kaga dhuftay qaybaha saree e jirkiisa, taasoo keentay in Muqdisho1uu goobta ku ruux-baxo.

Ciidamada booliiska Somalia oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaysan u suuro-gelin inay gacanta ku dhigaan kooxihii dilka marxuumkan geystay, iyadoo goor dambe maydkiisa goobta laga qaaday.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso dilkan, balse dilalka noocan oo kale ah ee ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa inta badan mas’uuliyadooda sheegata Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda iyo ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM.

Ugu dambeyn, Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan, iyadoo todobaadkii hore lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlmaankii KMG-ka ahaa ee Somalia.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!