Sarkaal ka tirsan Al-shabaab iyo ilaalo la soctay oo lagu dillay gobolka Bakool

by admin | Thursday, Oct 30, 2014

Bakool : HN :–Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabi C/raxmaan Max’ed Cismaay Tima-cadde ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Bakool oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Sarkaal ka ayaa intaa ku darray in howlgalka ay ciidamadu xalay ka fuliyeen degaanka Biyooley ayna ku dileen sarkaal ka tirsanaa XarakadaCORRECTION-SOMALIA-UNREST-SHAHAB Al-Shabaab iyo afar kamid ah ilaalaadiisa oo inay deegaankaas joogaan laga war helay.

“Ciidamada xoogga dalka waxay ka war heleen sarkaalkan oo magaciisa la oran jiray Wardheere inuu joogo degaanka Biyooley waana lagu weeraray gurigiisa halkaas ayaana lagu dilay isaga iyo afar kamid ah ilaaladiisa, ninkan waxaa uu caan ku ahaa Gowraca iyo dilka bulshada Gobolka Bakool, waa ninkii bireeyey wadaadkii dhanka diinta ugu sareeyay Bakool’’ ayuu yiri sarkaalka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada sarkaalkan ka tirsan Ciidanka Dowlada, balse ciidamada dowlada oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ayaa mudooyinkan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka waday qeybo ka mid ah Bakool.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!