Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo isku dhiibay dowladda Soomaaliya

by admin | Thursday, Jan 15, 2015

Luuq : HN :–Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku dhiibay maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo, sidda ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Xasan Dhudi ayaa markii uu isku dhiibayay ciidanka ammaanka watay qori AK-47 ah7 iyo boosh uu rasaas ku sitay, sida uu  warbaahinta u sheegay ku-simaha guddoomiyaha degmada Luuq, ahna madaxa mashaariicda degmada, Bishaar Aadan Cabdulkariim.

Bishaar ayaa sheegay in horjoogaha isa soo dhiibay uu ku dhuumaaleysanayay dhulka baaddiyaha ee u dhaxeeya degmooyinka Luuq iyo Buurdhuubo.

Isa-soo dhiibista sarkaalka ayuu ku tilmaamay inay caddayn u tahay inuu idlaaday waayihii kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay dadka xubnaha ka ah kooxda inay isa soo dhiibaan, kana waantoobaan falalka gurracan ee ay gacmaha kula jiraan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!