Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho

by admin | Saturday, Sep 20, 2014

Muqdisho : HN :–Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan kooxda Al-shabaab uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho,xilligas oo ay waheliyeen qar ka mid ah ilaaladisa.

Ninkan oo an la shaacin magaciisa waxaa la sheegay inuu diyaarad ka raacay garoonka caasumada ku yaalla ee Aadan Cadde,waxuuna u raacay gobolka Galgaduud isagoona gaaray degmada Gur-ceel.

Sarkaalkan ka tirsan Al-shabaab ee an la oggaan xilliga uu ka dhoofayey garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa la sheegay in lugu352x264xdiyaarada-garoonka.jpg.pagespeed.ic.P4Bv7zqB4t qabtay degmada Gurceel ee gobolka Gal-gaduud,waxuuna sheegay in uu mar hore iskaga baxay Al-shabaabkii uu ka tirsanaa sida uu sheegay.

Dhinaca kale,guddoomiye ku-xigeenka amniga maamulka Ahlusunna,Cali Baashi Aadan Diiriye ayaa sheegay in ay jiraan rag ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay degmada Gurceel,kuwaas oo baaritaano lagu wado.

Diiriye waxuu sheegay ragga lagu qabtay Gurceel in uu ku jiro sarkaalka ka dhoofay magaalada Muqdisho.

“Waxaan gacanta ku dhignay sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo diyaarad ka soo racay garoonka diyaaradaha Muqdisho,rag kale oo an qabanayna way jiran baaritaan ayaana ku socda,”ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka amniga maamulka Ahlusunna,Cali Baashi Aadan Diiriye.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadlin hadalka ka soo baxay Ahlasuna ee ay ku sheegen inay gacanta ku digeen sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!