Sarkaal ka tirsan AMISOM oo lagu eedeeyey inuu shidaal xaday oo la xukumay

by admin | Thursday, Feb 26, 2015

Kampala: HN:-  Col. Benson Olanya oo ka tirsanaa saraakiisha AMISOM ee ka howlgashay Somaliya ayaa lagu xukumay lix bil oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay dambi ah inuu xaday shidaal loogu talagalay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Milateriga Uganda, Major General Levy Karuhanga ayaa sheegay in ay maxkamaddu go’aanka gaartay markii uu Olanya qirtay dambiga.

Gudoomiyaha maxkamada oo aqriyey goáanka ayaa eedeysamaha ku yiri “maxkamadu waxay kugu xukuntay 6-bilood oo xarig ah, waxaadna xaq u leedaahay inaad racfaan ka qaadato go’aanka maxkamada hadii aadan ku qanacsaneyn mudo 14-maalin ah,” ayuu yiri Karuhanga.

Sidoo kale, Mr Karuhanga ayaa hoosta ka xariiqay in eedeynta loo jeediyay Col. Benson ay tahay mid dhaawaceysa muuqaalka Ciidamada Uganda ee heerka caalamiga ah jooga, isagoona ka digay in askari kale ama sarkaal ka tirsan ciidamada Uganda arintaasi ku dhiirado.

Colonel Olanya ayaa Bilihii June iyo July ee sanadkii 2013 wuxuu leexsaday 720 litir oo shidaal ah oo dowladda Uganda ay ugu talagashay howlgalka AMISOM.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!