Sarkaal ka tirsan booliiska dalka Kenya oo lagu dillay magaalada Mombasa

by admin | Thursday, Mar 26, 2015

Mombasa : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ayaa sheegaya xalay lagu dillay  sarkaal ka tirsanaa ciidammada booliiska dalka Kenya.

Taliyaha booliiska gobolka xeebta ku yaalla ee dalka Kenya, Robert Kitur ayaa sheegay in sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Ibraahim Maxamed, waxaana lagu dilay duleedka Mombasa, halkasoo booliiskku ay dhallinyaro badan kasoo xir-xireen.

“Waxaan baaritaano ku sameynay deegaanka uu dilku ka dhacay, waxaana kasoo xir-xirnay dhallinyaro badan oo aan uga shakisannahay inay xiriir la leeyihiin kuwa argagaxisada ah. Dilka sarkaalkuna wuxuu ahaa mid laga soo shaqeeyay,” ayuu yiri Robert Kitur.

Dad ku sugan Mombasa ayaa warbaahinta u sheegay in kooxaha hubeysan ee dilka geystay ay ahaayeen kuwo wajiyada qarsada, aynaBastoolad-12 ku weerareen goob uu ku sugnaa sarkaalka; iyagoo saddex jeer ka toogtay laabta, taasoo keentay inuu markiiba geeriyoodo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in saakay ay ciidamo fara badan deegaankooda soo galeen, kuwaasoo jawaab u ahaa dilkii xalay loo geystay sarkaalka, waxaana uu dilkan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee ka dhaca Kenya.

“Xaalada amni ee deegaankeena ma wanaagsana maanta waayo war walba oo ay howlgallo sameynayaan ciidamada booliisku waxay ku kacaan falal amniga wax u dhimaya,” ayuu yiri Hamadi Issa oo ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale, goobjoogahan ayaa intaas ku daray. “Dhammaan dhallinyaradii xaafaddeena ku noolaa way isaga carareen, waayo waxay ka baqdin qabaa in la qabqabto. waana dhibaato mar walba dhacda.”

Waddanka Kenya ayaa waxaa tan iyo markii ay ciidamadooda u soo direen gudaha dalka Soomaaliya waxaa dalkaas ka dhacayay weerarro kala duwan oo qaar ka mid ah lagu dilay saraakiil ka tirsn booliiska iyo milateriga Kenya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!