Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu weeraray degmada Baraawe

by admin | Tuesday, Dec 16, 2014

Baraawe : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay gaari uu la socday sarkaal ciidamada dowladda oo agu magacaabo Hiloowle Ciise Hagareey

Taliyaha ayaa qaraxa lagula beegsaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo ciidamada amniga degmadaas ay gacanta ku dhigeen dhallinyaro ay uga shakiyeen inay ka dambeeyaan qaraxaas.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in taliyuhu uu ka badbaadaybarawe-amisom-3 qaraxa lala eegtay, ayna socdaan baaritaanno dheeraad ah.

“Baabuur uu watay Col. Hagareey ayaa lala beegsaday qarax miino oo dhulka loo geliyay, wuuna ka badbaaday, mana jiraan waxyeello kale oo uu geystay. Baaritaanno ayaana socda,” ayuu yiri Bashiir.

Maamulka degmada Baraawe ayaa weerarkaan ku eedeeyay Al-shabaab, balse weli kama hadlay Al-shabaab inay mas’uul ka tahay weerarkaas iyo in kale, iyadoo dhanka kalena aysan weli ka hadlin weerarkan taliska ciidamada xoogga dalka.

Degmada Baraawe ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii bishii Oktoobar ee sannadkan lagala wareegay Al-shabaab, halkaasoo muddo sannado u ahayd saldhigga ugu weyn ee ay Koonfurta Soomaaliya ku leedahay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!