Sarkaal ka tirsan ciidmada maamulka Puntland oo qarax lagu dilay

by admin | Sunday, Mar 1, 2015

Galkacyo; HN;- Sarkaal katirsan ciidamada booliska maamulka Puntland ee gobolka Mudug ayaa ku geeriyooday qarax lagu xiray gaarigiisa xilli uu kusii jeeday goobtiisa shaqo ee magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalka geeriyooday oo ahaa talyihii laanta ilaalinta cashuuraha iyo kastamada Gobolka Mudug Marxuun Dur’aan Cumar Geele (Qaylo) ayaa gaarigiisa kula qarxay isagoo maraya agagaarka shirkadda Golis ee magaalada Gaalkacyo sida uu saxaafadda uu u xaqiijiyay taliye ku xigeenka qeybta bileyska ahna taliyaha birmadka gobolka Mudug Cabdirishiid (gibigibi)oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo.qarax

Ilaa iyo hada lama oga cida ka danbeysa qaraxa uu ku dhintay Taliyaha ciidamada ilaalada canshuuraha magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland.

Maamulka Puntland ayaa cambaareeyay falkaan lagu dilay taliyaha,iyagoona sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan qaraxaasi.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!