Sarkaal ka tirsan dowladda oo lagu dilay magaalada Beledweyne

by wadani | Wednesday, Dec 16, 2015

Beledweyne : HN :–Waxaa goor dhaw magaalada Beledweyne lagu dila sarkaal ka tirsanaa ciidammada Somalia oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Muumin [Cirbo-dheere] ayaa lagu dilay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Sarkaalkan oo ka mid ahaa xubno ka tirsanaa dowladda iyo waxgarad saakay waan-waan u tagay xaafadda20151216635858408188905304Xaafadda_Howlwadaag_Baladweyne_660 Howl-wadaag, ayaa la sheegay inuu toogtay mid ka mid ah maleeshiyaadka halkaa ku dagaalamaya.

Sarkaalka ayaa u dhintay dhaawac culus oo soo gaaray, waana sarkaalkii ugu horreeyay ee lagu dilo dagaalladii ugu danbeeyay ee maalmahan ka dhacayay xaafadda Howl-wadaag.

Wafdiga dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xusseen Guuleed ayaa ilaa xalay kulammo kala duwan lahaa odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka beelaha kala duwan, gaar ahaan dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Beledweyne.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, ayaa saakay tagay aagaga ay ku dagaallameen maleeshiyaadka iska soo horjeeda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!