Sarkaal ka tirsan hay’adda wadooyinka Puntland oo xalay la dillay

by admin | Thursday, Sep 25, 2014

Garoowe : HN :– Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in rag hubeysan saqdii dhexe ee xalay toogasho ku dilleen sarkaal ka tirsanaa hay’adda wadooyinka Puntland oo lagu magacaabi jiray C/rashiid Bulxan Boqor.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in rag hubeysan sarkaal ka toogeen abbaare 12:30 habeenimo xilli uu ku sugnaa meel u dhow Hotel Towfiiq oo ku yaalla bartanka magaalada Garoowe.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta dilka sarkaalkaas iyo waliba cidda dilkiisa ka dambeysey, waxaase socda baaritaan xooggan oo ayBastoolad (1) wadaan ciidamada booliska iyo hay’adaha sirdoonku.

Cabdirashiid Bulxan Boqor oo in muddo ah ku noolaa dalka Ingiriiska, wuxuu ahaa injineer mudooyinkii u dambeeyey la shaqeynayey Hay’adda Wadooyinka Punltand ee magaceeda loosoo gaabiyo PHA.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa ah mid aad u wanaagsan, wuxuuna dilkani kusoo aadayaa maalin kadib markii uu Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas soo saaray digreeto uu ku mamnuucay hubka ay dadku sida sharci darrada ah u haystaan.

Wixii kasoo kordha baaritaanka la xiriira dilka xalay Garoowe ka dhacay ee ay boolisku wadaan, wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!