Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay saraakiisha dowladda ee degmada Dhuusa-mareeb

by admin | Saturday, Mar 7, 2015

Muqdisho : HN :–Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa isku dhiibay Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoo Sarkaalkan uu horay xiriiro ula soo sameeyay Mas’uuliyiinta dowladda.

Wararku ayaa sheegaya in sarkaalka iisa soo dhiibay lagu oo lagu magacaabo  C/llaahi Axmed Mux’umed, u qaabilsanaa Al-shabaab, sameynta miinooyinka iyo diyaarinta waxyaabaha qarxa, waxaana uu ku sugnaa deegaanka Gal-hareeri ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Sarkaalkan uu khamiistii la soo dhaafay isku soo dhiibay Mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugnaa Dhuusa Mareeb, waxaana la sheegay in todobaad ka hor uu ka soo baxsaday Al-Shabaab.

Mahad Khaliif Rooblle oo ah madaxa ammni degmada Dhuusa-mareeb ayaa sheegay in Sarkaalkan uu la soo xiriiray, isla markaana ayAl-shabaab_oo_Qaraxyo_Sheegatay soo dhoweeyeen, waxaana uu ugu baaqay saraakiisha Al-Shabaab ka tirsan inay ka soo tagaan oo ay isku soo dhiibaan.

Guddoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed ayaa tilmaamay in dowladdu ay soo dhaweyneyso dadka ka soo laabanaya fikirka khaldan ee kooxda Al-Shabaab sida uu yiri

C/llaahi Axmed Muxumed ayaa sheegay inuu horay tababar dhinaca miinooyinka loogu qaaday dalka Yemen, ka hor inta uusan bilaabin inuu miinooyin galiyo goobo badan oo dalka ka mid ah.

Sarkaalkan ayaa la filayaa in la keeno magaalada Muqdisho, si loogu wareejiyay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka oo horay gacanta ugu heysay Saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasoo horay isugu soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!