Sarkaal ka tirsanaa ciidammada AMISOM oo is dillay kaddib markii uu dillay gabar ay saaxiibo ahaayeen

by admin | Thursday, Aug 13, 2015

Muqdisho : HN :–Sarkaal ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa Axadii la soo dhaafay isku dilay xero AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho, kadib markii la sheegay inuu dilay gabar ay wada socdeen oo uu xiriir ka dhaxeeyay.

Lt. Aaron Kitakure ayaa is dilay markii uu toogtay gabar xiriir kala dhaxeeyay oo iyana ka tirsaneyd Ciidamada AMISOM.

Warkan ayaa waxaa qoray Wargeyska Daily Monitor oo ka soo baxa dalka Uganda, waxaana uu soo xiganayay Saraakiil ka tirsanAMISOM_Force_Somalia Ciidamada Uganda

Sarkaalkan u dhashay Uganda ayaa muddo qeyb ka ahaa howl galka AMISOM, waxaana la xaqiijiyay inuu xiriir ka dhaxeeyay gabadha uu dilay oo iyana ka mid aheyd askarta Uganda.

Ilaa iyo hadda dhab ahaan lama oga xerada uu dilkan ka dhacay, waxaana warbaahinta ka howl gasha dalka Uganda ay hadal hayaan dhacdadan.

Afhayeenka Ciidamada Uganda Col. Paddy Ankunda ayaa xaqiijiyay arrintan, isagoo xusay in labo ka mid ah saraakiishooda ay dhinteen, balse waxaa uu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo.

“Waa run labo ka mid ah askarteen sida la sheegay inay dhinteen, waxaan baareynaa arrintan, ma ku siin karo faah faahin ka hor baaritaanka”ayuu yiri Paddy Ankunda.

Taliyaha Ciidamada Uganda Katumba Wamala ayaa dhowaan askar ka tirsan Uganda oo ku sii jeeday Soomaaliya uga digay inay xiriir la sameeyaan haweenka ama ay taabtaan, isagoo xusay in haddii aysan hal sano sugi karin ay u sheegaan isaga, si ay dalkooda u joogaan.

Warbaahinta Soomaalida ayay adag tahay inta badan inay macluumaad ka helaan gudaha xerooyinka AMISOM, waxaana horay u jiray tacadiyo Ciidamada AMISOm xerooyinkooda ugu geysteen dad barakacayaal ah.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!