Sarkaal ka tirsanaa ciidammada Itoobiya oo isku dhiibay Al-shabaab

by admin | Tuesday, Jun 30, 2015

Diinsoor : HN :–Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa ciidammada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM isku dhiibay xoogagga Al-shabaab.

Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa ay warbaahinta u xaqiijiyeen in sarkaalkan isa soo dhiibay uu ka tirsanaa ciidammada AMISOM, isaga oo gaar ahaan ciidamada Itoobiya u qaabilsanaa dhinaca saadka.

Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere Aadan Cabdi Qooqane ayaa u sheegay Idaacada VOA in SarkaalkanCiidamada_Itoobiya-Xabashida1-660x400 ka tirsan Ciidamada Itoobiya uu isku dhiibay Al-Shabaab, isagoo xusay inuu si dhuumaaleysi uga baxay Qansax-dheere, isla markaana tagay Ufurow

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in sarkaalkaasi uu sii maray tuulo la yidhaahdo Geriyow oo degmada Qansaxdheere u jirta sideed KM kaasoo dadka tuuladaasi weydiisatay jidka taga deegaanka Ufurow.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Talahun, waxaana markii shalay lagu soo bandhigay fagaare ku yaala degmada Diinsoor uu sheegay in aabihii uu joogo dalka Sudan, halka hooyadiis ay ku sugan tahay magaalada Addis Ababa.

Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin sarkaalkan u goostay Al-Shabaab, waxaana ay noqoneysaa markii u horeysay oo askari ka mid ah howl galka AMISOM uu u baxsado dhinaca Al-Shabaab.

Talaabadan uu qaaday sarkaalka Itoobiya ayaa imaneysa xili labo weerar culus ciidammada AMISOM loogu geystay deegaanno ka tirsan gobollada Baay iyo Shabeellaha hoose.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!