Sarkaal ka tirsanaa hay’adda miino baarista oo Muqdisho lagu dillay

by admin | Tuesday, Aug 4, 2015

Muqdisho : HN :–Rag bastoolado ku hubeysan ayaa barqonimadii maanta waxa ay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ku dileen Sargaal la sheegay in uu katirsanaa Hay’adda Miino Baarista Qaramada Midoobay u qaabilsan ee Mine Action.

Dilka Sargaalkan loo geestay ayaa ka dhacay Xafadda Ansolooti Agagaarka Buundada Koowaad Ee Degmadda Xamar Jajab, waxaana baxsaday ragii hubeesnaa ee la sheegay in ay dilka u geesteen sargaalkan.

Sargaalka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Aweys, waxaana xiliga la dilayay uu ka soo baxay gurigiisa oo ku yaala Xamar Jajajb isaga oo ku sii jeeday goobtiisa shaqo ay ku warameen dad goob joogayaal ah.

Maamulka degmada Xamar Jajab ayaa xaqiijiyay dilka loo geestay Sargaalkan katirsanaa Hay’adda Miino Baarista Qaramada Midoobay u qaabilsan ee Mine Action, maamulka ayaana sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan dilkan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!