Sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Puntland oo xalay Garoowe lagu dhaawacay

by admin | Monday, Mar 23, 2015

Garoowe : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya iyo qof ka mid ah ilaaladiisa oo la socday ayaa lagu dhaawacay xalay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Dhaawaca sarkaalka ayaa waxaa geystay ciidamo ku sugnaa koontarool ku yaala Garoowe, iyadoo la sheegay in arrintan ay ku timid shaki iyo is-faham-darro soo dhexgalay sarkaalka iyo ciidamadii ku sugnaa koontaroolka.

Sarkaalka la dhaawacay oo lagu magacaabo, Maxamed Caydiid ayaa taliyaha ciidanka sir-doonka hay’adda PIA ee gobolka Sanaag loo Magaalada_Garoowe_Xarunta_Puntlandmagacaabay, iyadoo dhaawac culus uu soo gaaray sarkaalkan, iyadoo haatan lagu daweynayo sarkaalka isbitaalka magaalada Garoowe.

Goobjoogayaal ku nool Garoowe ee xarunta Puntland ayaa xusay in si weyn xalay looga maqlayay gudaha magaaladaas rasaasta dhaawaca ay kasoo gaartay sarkaalkan ka tirsan sirdoonka Puntland.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku yaalla koontaroolo la sheegay inay yihiin kuwo laga sugayo amniga, waxaana dhaawaca sarkaalkan uu imaanayaa xilli ay gudaha magaaladaas howlgallo kawadeen maalmihii lasoo dhaafay qaar ka mid ah ciidamada amniga Puntland.

Ugu dambeyn, howlgalladan ayaa imaanaya xilli uu taagan yahay khilaaf ka dhashay saraakiil ciidan oo madaxweynaha Puntland uu xilalka ka qaaday dhawaan, kuwaasoo diiday xil ka qaadista lagu sameeyay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa socda qorshayaal ay ciidamada Puntland ku doonayaan inay ku sameeyaan howlgallo ka dhan ah saraakiisha diiday inay xilka wareejiyaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!