Sarkaal ka tirsanaa xafiiska raisulwasaaraha oo Muqdisho lagu dilay

by admin | Sunday, Jun 21, 2015

Muqdisho HN;- Degmada Dharkiinleey gaar ahaan Xaafada Mac-macaanka, waxaa saaka lagu dilay Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraah Somalia, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Anwan, wuxuuna ahaa Qasnajiga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia.

Kooxaha hubaysan oo Bistoolado watay ayaa Anwar beegsaday oo toogtay, kadibna waxa ay ka baxsadeen goobtii dilka ay ka geysteen.

Anwar ayaa wuxuu u dhintay rasaastii soo gaartay.

Kooxda Al-Shabaab aya Baraha Internet-ka ee ay wararka ku baahiyaan waxa ay ku sheegeen inay ka dambeeyeen dilka Anwar.
Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!