Sawiro : wafdiga maamulka Hirshabeelle ee gaaray Buula-burte

by wadani | Thursday, Apr 20, 2017

Buula-burte ” HN :-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Cali Cabdullaahi Cosoble iyo wafdi uu hogaaminayo   ayaa Manta Gaaray magaalada buulo burde  Waxaana Halkaasi Kusoo Dhaweeyey Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan iyo Mamulka Degmada  qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladaasi.

Ujeedada socdaalka madaxweynaha ayaa lagu soo sheegay soo afjarista xiisad ka taagan magaalada oo u dhaxeeysa ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Madaxweynaha ayaa kulamo warbaahinta dibad joog ka aheyd la yeeshay  maamulka degmadaiyo  saaraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Buulo Burde

Xiisadan ayaa ka dhalatay Kadib markii askari ka tirsan ciidamada AMISOM  shalay lagu dhax dilay Bartamaha magaaladaasi Waxaana dilka asrakiga ay ciidamada AMISOM ay ugu shekeen ciidamada Dowlada ee ku sugan Buulo Burde

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah