Sawirro : madaxda sare ee dalka oo ka qeyb-gashay munaasabad lagu maamuusayay maalinta calanka

by admin | Monday, Oct 12, 2015

IB0A0831Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaliyaha, Ra’isul wasaaraha dalka, gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Soomaliya, Saraakisha Ciidamada qalabka sida ee qaranka, gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho, Fanaanin,  iyo dadweyne aad u tira badan ayaa ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Aqalka dowlada hoose ee Xamar oo lagu maamusaye 61 sana guuradii kasoo wareegatay xiligii la sameeyay calanka Jamuuriyada Soomaaliya oo uu hindisay Allaha unaxariisto Maxamed Cawaale liiban.

Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa  ka qeyb qaadanayay kooxda Fanaaninta qaranka ee howalada waabari iyagoo halkaasi ku soo bandhigay suugaan ka turjamaysa maalintan qiimaha weyn,

IB0A0865Wasiirka Wasaarada warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi xayir “Maareeye” ayaa dadka Soomaaliyed kula dardaarmay in loo baahan yahay midnimada ummadda Soomaaliyeed isla markaana laga fogaado khilaafaadka si horumar loo gaaro.

Ra’isul Wasaaraha Dalka mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaa uu munaasabada ka sheegay in halgan badan loo soo maray calankan maanta xuskiisa la jooga.

“Calanka waxa loo sameeyay Jamhuuriyadda kaligeed ma aheyn ee waa qowmiyad Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa lagu mideysan yahay waa calankaas” ayuu yiri Ra’iisulwasaraha.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan (Jawaari) oo hadal kooban munaasbada ka jeediyay ayaa shacabka Soomaaliyed ku bogaadiyay in la isku baraarujiyo ahmiyada uu calanka leeyahay.

IB0A0822Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamud oo munaasabada soo xiray waxa uu umada Soomaaliyed u sheegay in aysan waxba ka jirin hadalada dhawaan lagu daabacayay qaar kamid ah baraha internedka oo lagu sheegayay in astaamaha calanka ee wax laga bedeley.

“Waa kutiro ku teen aam sal iyo raad la heyn oo loogu talagalay ummadda in lagu jahwareeriyo, calanka Soomaaliya waa kii la taagay 26kii Juun sanadkii 1960.” Ayuu yiri madaxweynaha.

61 Sano ka hor 1954 ayaa Allaha u naxariisto Maxamed Cawaale Liibaan ayaa sameeyay Calanka ay haatan ku mideysan yihiin Umada Soomaaliyed iyadoo sanad kaste 12 October gudaha dalka iyo dibada lagu qabto munaasabada loogu dabaal dagaayo calanka jamhuuriyada Soomaaliya.

IB0A0815IB0A0853IB0A0854IB0A0857IB0A0726IB0A0712IB0A0649IB0A0697IB0A0711Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!