Sawirro muujinaya doorkii Evans ee weerarkii lagu qaaday Lamu

by admin | Thursday, Jun 25, 2015

dagaal-yahanada-6Muqdisho : HN :– Sawirradan ayaa muujinaya doorkii uu ku lahaa weerarkii lagu qaaday jasiirrada Lamu ee dalka Kenya jihaadistihii u dhashay dalka Britain Evans ee lagu dillay weerarka.

Saraakiisha dowladda Kenya, ayaa gacan ku dhigay Kamaro uu wattay jihaadistaha reer Britain, waxaana sawirrada Kamirada laga hellay qeyb ka ahaa kuwo muujinaya is diyaarintii maleeshiyada Al-shabaab ee weeraka.

Muuqaalka ayaa siddoo kale laga dhax arki karaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha Evans weliba markii ay ku dhacaysay xabada dishay. Hase yeeshee dagaalyahanadii la socday ayaa awoodi waayay inay ka jiidaan halka uu ku dhacay 25jirkaan ayna badbaadiyaan kaamerada uu wax ku duubi jiray.

dagaal-yahanada-2Evans waxa uu ka mid ahaa 11 jihaadi doon ah oo ku dhintey dagaalkii Lamu, iyadoo kaameradiisana laga helay saacado socday diyaargarowgii loogu jirey weerarka. Evans ayaa lala xiriirinayaa in uu ka mid ahaa dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Jaamacada Garissa ee Waqoyi Bari Kenya halkaa oo ay ku dhinteen 147 ruux boqolaal kalana ay ku dhaawacmeen.

dagaal-yahanada-3dagaal-yahanada-5dagaal-yahanada-7dagaal-yahanada-1Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!