Saxallada silloon iyo saxarka Siyaasadda! Q1AAD. WQ. Bashiir M. Hirsi

by Yahye | Wednesday, Nov 13, 2013

lololWaxaa jiri jirtay Islaan Reer Quraysh ah, oo degganeyd Magaalada Barakaysan ee Maka, waxay ahayd Islaan hawl badan, oo aan caajis iyo wehsi midna galin. Waagu markuu beryo, ee kaaha iyo iftiinka arooryaad dillaaco ayey shaqo u farsiisataa. Hiirada hore ayey waxay billowdaa sooh iyo falkin, waxay is dhaafiso, ee midba midka kale galiso, ayaa marka ay shaqadeedu idlaad iyo dhammad ku dhawdahay ee uu gabbalku sii dhacayo, ee la gaaro casir liiq iyo qorrax dhac, ayey waxay dib u furfurtaa intii ay saaka ilaa maqrib tidicday. Waxay dib u kala dhigdhigtaa xariggii ay maanta oo dhan soohaysay. Qisada Islaantan waxay ku soo aroortay Suuradda ‘MALAB’ka {Al Naxli, tirsiga Aayadda (91)}

Marka aad si fiican ugu kuurgasho indhahana la raacdo sooyaalka silloon ee siyaasadda Soomaalida, waxaa kuu caddaanaya inay la mid tahay shaqada Islaantaas oo kale, siyaasiyiintu la mid yihiin Islaantaa, oo had iyo jeer ay shaqada iyo hawsha ay maalmo, bilo ama sanado xirxirayeen ay dib u furfuraan. Haddaan si kale u iraa, shaqadii ay muddo iyo muddo dhisayeen ayey dib u dunshaan, haddaba weydiinta baa ah: arrintu ma ogaal la’aan baa mise waa kas iyo maag (ogaal)? anoo kaaga warcelin doonaa weydiinta, adigu aragti caynkee ah ayaad ka qabtaa?.

Laga soo billaabo maalinta aan xornimada magac u yaalka ah hanannay ilaa maanta oo aan maxmiyad aan magac lahayn ku jirno, habka iyo hannaanka ay ku socotay siyaasadda Soomaalidu wuxuu ahaa hab halaag laga dhaxlay, laga yaabee, in in badan oo naga mid ah aysan qabin in halaag laga dhaxlay, balse, ay ila qiriyaan inay ahayd siyaasad gurracan iyo hannaan qalloocan, oo haddaa wixii qalloocan inay halaag dhalayaan maxay ku diidadayaan? Kolley anigu ma agaran.

In badan oo naga mid ah marka laga hadlayo maamulkii milatariga kaalintii uu ku lahaa halaaggaa way ka reebaan ama eedda iyo eelka dusha ka saaraan jabhadihii iyo qabqablayaashii ka daba maray. Hubaal in kuwan halaagga hirgaliyeen, balse, inta aysan hirgalin yaa halaagga horseeday? Micnaha yaa sababay in halaaggu uu hirgalo? Saw ma ahan hoggaankii hore? Iskuma diiddanin haddii aan la marooqsan lahayn MAAMULkii talo WADAAGGA ku dhisan, ee curdanka ahaa, in xaalku sidan ka duwanaan lahaa ama uu dhaami lahaaba.

Waxba yaanan ku dheeraan inta isku dayeysa inay dedaan dayax afar iyo tobnaad ah, iyo Ayax tag eelna reeb, ee aan abbaaro dhawr dhacdo oo mid walba midda kale aysan waxba ka duwanayn, haddaysan, isku dhigaal ahayn. In halaagga uu horseeday maamulkii Siyaad Barre waxaan u soo qaadanayaa marqaatiyaal aan muran la galin karin, oo isla maamulkaa xilal ka soo wada qatay, oo dhammaan isku raacay in mar walba dhanka qalloocan tallaabada loo qaadayey, taana ay sababtay hoogga wali la dul heehaabayo.

Waa ta la yiraa: “Ratiga dambe Ratiga hore saanqaadkiisa ayuu leeyeehay” taariikhda aan qormada ku soo qaadan doono waxaan ku gaabin doonaa go’aanno gurracan oo la guntay intii walaahowga iyo tiiha wadaad iyo waranle lagu jiray, gaar ahaan 2000-ilaa maanta aan joogno, oo aan qabo inay qayb ka tahay fashilka naga haysta dhanka maamulka iyo maaraynta, hoggaanka iyo hoggaaminta, horseedka iyo hirgalintiisa, talada iyo taabbagalinta, tusaalaha iyo tubayntiisa, tusmada iyo tiigsigeeda, tabta iyo taatikadeeda, guddoonka iyo gundhiggiisa. Maxaa yeelay, haddaan intaa kala garan lahayn, hubaal inaan halka aan maanta naal inaannaan naalleene, ayaan darrase, intan oo qodobba waxaa laga dhigay mid qof, qolo, qabiil iyo koox gaar ay leeyihiin, oo ah hadba inta guddoonka iyo talada haysa ha ku takri falaan, illeen la isu soo raacan maaye.

DAWLADDII CARTA: 

13kii Bishii Agosto, 2000 waxaa la yagleelay DKMG ahayd ee “CARTA” oo  loo igmay inay muddo saddex sano ah heshiis dhexdhigto Soomaalida. Dawladdaa waxaa Madaxweyne u ahaa C/Qaasim Salaad Xasan, oo Ra’iisul Wasaare ka dhigtay Cali Khaliif Galayr. Shirka dawladdan lagu shoo dhisay oo ka dhacay Tuulada Carta ee dalka Jabuuti, Soomaalidu waxay u taqaan shirki Soomaalida anna waxaan u aqaan shirkii saxar abuurka, maadaama uu horseed iyo hirgaliye u ahaa nidaamka baas ee afar iyo barka, oo ilaa iminka wax walba lagu jaangooyo. Awood qaybsi beeleed kama hadlayee ogoow, maadama ay dad badan qabaan in 1958dii uu Ra’iisul Wasaare Cabdullaahi Ciise dowladda ku habeeyey saami beeleed lala mid dhigi karo kan hadda jira, oo ka dhigaysa in arrintu ka horreysay Carta.

Waxaan xasuustaa maalintii uu Xamar yimid wafdiga dawladdaa, oo  soo dhaweyntu ay is haysatay Garoonka Balli Doogle iyo Muqdisho, oo jidkaa dheer uu dad safnaa, madaxdana ku soo dhaweeyey caleemmo qoyan, sacab iyo mashxarado, heer gaadiidkii dadweynahu joogsaday. Nasiib darro marka laga soo tago inay ka soo wada horjeesteeen qabqablayaashii koofurta oo dhan uuna ka mid ahaa C/laahi Yuusuf, waxayba ka dhaqaaqi wayday khilaaf iyada hareeyey, waxayna dhaafi waysay Jid yar oo hormara guriga C/qaasim oo uu Laami saaray, laguna magacaabay MADAXTOOYADA C/QAASIM, weydiinta baa ah guri nin leeyahay madaxtooyo ma noqon karaa?. Khilaafku wuxuu jiitamaba, 28kii Bishii Oktoobar, 2001dii ayaa Cali Khaliif Galayr xilkii laga xayuubiyey. C/qaasim, Galayr gadaashii wuxuu Ra’iisul Wasaare u magacaabay Xasan Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf, waaba Dhurwaa Hilbo ku raro iyo Kud ka guur ee Ganjo u guur! Saddaxdii sano ee ay dhisnayd dawladdii Carta waxay ka dhigan tahay inay sanad walba Ra’iisul Wasaare cusub, wasiirro cusub iyo xukuumad cusubba ay magacaabayday. Haddii ay soo idlaatay waaya aragnimadaa, kuwii ka dambeeyey wax ma iska badaleen?.

Inta aan la gaarin shirkii waallaa ee xerta Xabashida lagu soo xulay, ayaa C/laahi Yuusuf markii uu ka dhammaaday guddoonkii maamulka Bari bishii Luulyo, sanadkii 2001dii, ee la doortay Jaamac Cali Jaamc, ayuu jacayl uu xil u qabo wuxuu mar kale ka soo jabhadeeyey Magaalada Gaalkacyo oo  xarun u ahayd, xoogna ku qabsaday magaalada dhaqaaleed ee Boosaaso iyo xarunta maamulka ee Garoowe. Laba sano ka dib, dad badan ayaa waxay qabaan in C/laahi loo soo gamay dhanka shirkii Kenya oo lagu yiri; halkaa calaf ka raadso, haddaad ka helee, haddaad ka weysana halkan cidi kugama haysato, oo loo arkay inay tahay dhibka anaga naga daaye, inta kale dhib “NAGA DUL QAAD!” haddaba xeer beegta iyo dhaqan yaqaanka aan weydiiyo balaayo la isu soo waarido maxaa ka xukun ah?.

DAWLADDII MBAGATHI:

10kii bishii Oktoobar, 2004tii ayaa dalka Kenya baarlamaan lagu soo xulay hannaankii beelaysiga iyo kala sarraynta wuxuu Madaxweyne u doortay C/laahi Yuusuf Axmed (Jabhadkii ugu cimriga dheeraa sooyaalka Geeska Afrika), hannaankii dawladdana laga dhigay Fedaral (Beelaysi) waxaana dhisantay dawladdii Mbegathi (DALLADDII QABQABLAYAASHA). 3da Novembar, 2004tii  ayaa Cali Maxamed Geeddi Ra’iisul Wasaare loo soo magacaabay, oo xitaa aan Baarlamaanka ku jirin, maadaama xeerku dhigayey in uusan Wasiir noqon karin mudane aan Xildhibaan ahayn, waxaana booska uu banneeyey Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere’ sidaana xukunka Soomaaliya uu gacanta ugu galay xerta xabashida ee xabsiga iyo xasuuqa.

17kii Maarso, 2005tii Mooshinkii u horreeyey ee baarlamaanka la horgeeyey wuxuu ahaa in la keeno ciidamo shisheeyo, in kasta oo baarlamaanka isku raacay inaan la keenin. Diidmadaa ka dib waxaa goobtii uu baarlamaanka fadhiyey ka dhacay dagaal feer iyo faralaab la isula tagay, haraati iyo laadna la isla dhacay, kuraasna la isku garaacay, heer xildhibaannada qaarkood dhiig uu ka daatay. Siday u guurguurayeen  una dhexeeyeen Jawhar iyo Baydhabo uguna kala qaybsanaayeeen Muqdisho iyo Jawhar ugu dambayn way ansixiyeen in la keeno ciidama shisheeye, oo dad badan qabaan inay markaaba joogeen waddanka gudihiisa.

Qisada qilaafka ee ansixinta ka horraysay waa muranka soo kala dhexgalay  C/laahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Sheeq Aadan, oo dib loogu naynaasay Shariif Sakiin, asii markaa aan loo aqaan. Dawladda Yemen oo isku hawshay inay Dhexdhexaadiso ayaa fashil ka dib ku guulaysatay inay heshiis dhexdhigto labadana mudane. Bishii Jannaayo, 2005tii, Guddoomiye Shariif ka hor intii uusan soo caro laaban waxaa xarun u ahayd Muqdisho oo uu la jaal ahaa wadaaddada iyo qabqablayaasha, oo ka soo wada horjeeday dawladdaa. 14kii bishii Juun, 2006dii fadhigii lagu go’aanshay in Xabshi dalka la keeno waxaa shir guddoominayey Shariif Sakiin. Soo galintaanka Xabashida oo uu ka dhashay gumaad iyo xasuuq kii ugu darraa ee Soomaali ka dhaca, gaar ahaan gobollada koofureed iyo  Muqdisho.

Sanad ka dib, 2007dii xil ka qaadis lagu sameeyey Guddoomiye Shariif Sakiin ayaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa loo magacaabay Shiikh Aadan Madoobe.

Waxay caaytamaan dadkana xasuuqaan, qaarna xabsiyada xabashida u qadaan, qaarna madax furasho ka qaataan, markii dambe, sidii ay Shariif Sakiin u kala boodeen, ayaa Cali Geeddi iyo C/laahi Yuusuf madaxa isula galeen, muran muddo jiitamayey ka dib 29kii bishii Oktoobar, 2007dii, ayaa Cali Maxamed Geeddi iska casilay xilkii, Geeddi wuxuu sheegay in khilaafku salka ku hayey Shidaalka Soomaaliya, oo uu is hortaagay in Gobollada Bari ee uu C/laahi Yuusuf ka soo jeedo baaritaan shidaal laga sameeyo aan dawladda hoostagin. Cali Geeddi wuxuu Ra’iisul Wasaare ahaa intii u dhexeysey 3dii November, 2004 ilaa 29kii October 29, 2007.

Haddii Geeddi halkaa ku galbaday, ayaa bishii November, 2007kii waxaa Ra’iisul Wasaare loo magacaabay loona dhaarshay Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). haddii C/laahi Yuusuf uu ka taqallusay Cali Geeddi muran ka dib, ayaa isna 29kii Disheembar, 2008kii waxaa daaqadda ka saaray Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), oo waliba garoonka Jomo Kenyatta looga tirshay xil, loona diiday xitaa inuu Muqdisho ku laabto. Sidaana C/laahi Yuusuf mar kale ku noqday dibad joog, aanse awood iyo itaal, cudud iyo caqliba u ahayn inuu soo jabhadeeyo, ee hadduu awoodo hubaal inuu samayn lahaa.

Midawgii Maxkamadaha markii dadka Alle ka qabtay, oo Xabashina u baxshay, ayaa haraadigoodii waxay shir ku qabsadeen Asmara, waxaana lagu dhawaaqay Ururka dib u xoraynta Soomaaliya, oo guddoomiye looga dhigay Sheeq Shariif, oo horena u ahaa Guddoomiyaha Fulinta Maxkamadaha. La yaabka baa ahaa, caqliga u soo kordhay waa kee? Maadaama uu garan waayey war dalka ka badbaadi Xabshi iyo xaasid ay ugu horreeyeen madaxdii Mbegathi. Firxadkii Maxkamadaha ee galay hawdka Kismaayo, Shariif isaga diyaarad gaar ah ayaa looga soo qaaday, Jenday Fareiser ayaa safaaradda US ee Nayroobi si diirran ugu soo dhoweysay, xog waraysi ka dibna waxaa martigalin siisay Yemen, ka diba uu u soo wareegay Erateriya.

DAWLADDII MIDNIMO QARAN:  

30 Jannaayo, 2009kii ka dib markii la ballaarshay baarlamaan beeleedkii, oo laga dhigay (550 wax ma tare) ayaa kulan ay ku yeesheen Jabuuti waxay Madaxweyne u doorteen Shariif Sheekh Axmed. Bil ka yar, 13kii Febaraayo, 2009kii ayuu Ra’iisul Wasaare u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka socoday qurbajoogta. Sida caadada ahayd sanad ka dib, ayaa muran iyo khilaaf soo kala dhexgalay labadii mudane, wuxuuna ku biyoshubtay ka dib markii uu ka dhaga adaygay inuu is caslo ayaa Shariif Sakiin ku yiri: “Waxaad kala doorataa, in Baarlamaanku kugu orriyo xilkana kaa qaado iyo inaad saddaxdan Malyan oo Dollar ee kaashka ah qaadato!” wuxuu doorbiday inuu kaashkiisa iska qaato, xilkana iska casilay.

31kii Oktoobar, 2010kii, ayaa Sheeq Shariif Ra’iisul Wasaare u magacaabay Maxamed C/laahi Maxamed “Formaajo” asna in ka yar sanad ayaa 09kii bishii Juun, 2011kii markii Magaalada Kampala lagu soo siixay wax baaskii ay u baxsheen “Kampala Accord” oo ay awoodda dalka dhan kula wareegeen Laba Shariif, ayaa mudane Formaajana lagu wargaliyey inuu xilka iska wareejiyo, isku adkayn ka dib 19kii Juun 2011kii ayuu isagoo qadaadka la hayo uu xilka isaga dagay, kaaga darane, muwaadiniin Soomaali ayaa u dhintay oo lagu dilay mudarahaad ay ku taageerayeen inuu xilka sii hayo. Xan hoose ayaa tibaaxaysa in sidii Ina Cabdirashiid xoogaa sahay ah la siiyey. Bal adba.

La yaabku waa in isla maalinta uu Formaajo is casilaadda qasabka ah gudbinayey uu magacaawnaa Cabdiwali Maxamed Cali “Gaas” oo xilka hayey ilaa ay ka dhacday dawladdii Shariif, ka dib markii ay labaduba waa Shariif iyo Gaasba aysan ku guulaysan tartankii madaxtinnimada ee dhacay Sebtembar 2012kii. Mudane Gaas marka laga soo tago qabyaaladda uu maamulka ku hayey, wuxuu ahaa mudanihii ugu musuqmaasuq badnaa xagga maamulka.

Shariif Sakiin oo ka soo wareegay Wasiirka Maaliyadda, ka dib markii uu lacago badan ka soo gurtay ayaa mar kale u xaluushay Guddoonka Baarlamaanka. Laaluush badan oo uu baxshay ayaa Shariif Sakiin xilka loo doortay 25kii bishii Meey, 2010kii, oo dad badan qabaan inuu xilkaa ka dhacay Sheekh Aadan Madoobe oo xilkaa looga qaaday kaliya inuu gacan iyo gurmad waayey, ka hor inta uusan wayn qarsh iyo qalqaalo, baarlamaankii xaaraad quudka ahaana wuxuu ku heesay: “Allaw laba Dibi isku jaan qaad oo mid noo jabi aan jiljilannee” oo lacago badan ku helay kala wareejinta xilalkaa.

Shariif Sakiin iyo Xildhibaannada ayaa khilaaf ku dhex dillaacay, ka dib markii ay Shariif Sakiin ku eedeeyeen inuu Golaha Baarlamaanka ka dhigtay Bakhaar, oo marka uu rabo kaliya u furo kal fadhiyada, inta kalana uu qunful weyn dusha uga jabsho una xirnaado. 13kii Dishimber, 2011kii, xil ka qaadis ay Xildhibaannadu ku sameeyen Shariif Sakiin, wuu iska diiday sidii kalkii hore oo kale, markii xil ka qaadista lagu sameeyey dawladdii C/laahi Yuusuf. Shariif Sakiin, Muddadii Wasiirka Maaliyadda uu ahaa 4 meelood marka loo qeybiyo 3 meel wuxuu ku maqnaa dibedda.

4tii Jannaayo, 2012kii ayaa fadhi ayyeesheen baarlamaankii (Tira badne, Tayo xume) waxay guddoomiye cusub u doorteen Madoobe Nuunow Maxamed, oo aan laga soo dhaweyn xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo isla Shariifka xafiiska laga eryey. Sidii la isu jiidjiidayey, labada garabba waxaa ku yeeray wiishka doorashada waqtiguna ka dhaacay, oo lagu yiri isqabqabsigu ha idiin dambeeyee, yaa doorashadan taagan ka qaybgalaya?.

2000-2012 Intaa waxaan kaga sheekeeyey saddax dawladood, intaa oo xukuumadood iyo intaa oo guddoomiye Baarlamaan oo ku wada suntanaa KU MEEL GAAR, beenta naloo sheegay ayey qayb ka tehee, waxaa nalagu yiri “KU MEEL GAAR” waa dhammaaday, asii aan dhammaane dhan kale iyo dhabba kale lagu dhigay. 10kii bishii Sebtembar, 2012kii oo ay xilalka ugu sarreeya ku soo bexeen: Xasan Sheeq Madaxweyne, Jawaari Guddoomiye Baarlamaan iyo Saacid Ra’iisul Waasare, weydinta sida degdegga ah kuugu soo dhacaysaa waa: sidii ay u soo bexeen madaxda cusub wixii ka dambeeyey wax ma isbadaleen? Warcelinta iyo warar kalaba waxaan ku soo qaadan doona qormada qaybteeda dambe, ee ha moogaan.

 

Fisha qaybta xigta ee qormada

 

Bashiir M. Xersi

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!