Saxallada Silloon Iyo Saxarka Siyaasadda! Q2AAD. WQ. Bashiir M. Hirsi

by Yahye | Wednesday, Nov 13, 2013

Qaybtii hore ee qormada waxaan kaga sheekeeyey inta u dhaxaysay 2000-2012 oo saddax dawladood, intaa oo xukuumadood iyo intaa oo guddoomiye Baarlamaan oo ku wada suntanaa KU MEEL GAAR, beenta naloo sheegay ayey qayb ka tehee, waxaa nalagu yiri “KU MEEL GAAR” waa dhammaaday, asii aan dhammaane dhan kale iyo dhabba kale lagu dhigay. 10kii bishii Sebtembar, 2012kii oo ay xilalka ugu sarreeya ku soo bexeen: Xasan Sheeq Madaxweyne, Jawaari Guddoomiye Baarlamaan iyo Saacid Ra’iisul Waasare, weydinta sida degdegga ah kuugu soo dhacaysaa waa: sidii ay u soo bexeen madaxda cusub wixii ka dambeeyey wax ma isbadaleen? Warcelinta iyo warar kalaba si aad uga haqab beesho sii raac qoraalka.

Nimankan isku xamlan maalintiii ay xilka qabteen waxaa is qabsaday dalka gees ka gees hal eray oo ah “ISBADEL” oo la yiri waddankii waxaa ka dhacay “ISBADEL” aqoon yahanno aan dagaal galin, hanti dawlo aan dhicin xilna hore aan hore u soo qaban ayaa dalkii madax ka noqday.

Wiil ayaa bari hooyadii xumadii foosha ugu dhibaatootey, calool xumo dartiii ayuu wiilkii ka fogaadey goobtii ay ku dhalaysay, wuxuuna ku soo noqday kolkii hooyidii dhashey, dabadeed ayaa wiil walaalkii ah ku yiri: “Hebaloow hooyo way dhashay!” Wiilkii ayadoo ay wali ku dambayso uurku taalladii iyo dhibkii hooyadii haleelay ayaa ugu warcelshay: “War hebaloow sow Aabbe ma joogo!” hadda, qofkii islahaa Soomaaliya ISBADAL baa dhacay maanka ha gashto in raggii wali joogaan.

Anoo taa maanka ku haya, ayba ii sii dheer tahay inaan dadkayga aqaan ayaan dhammaadkii Agosto 2012kii qoray maqaal cinwaankiisu ahaa: “Aragti gaaban iyo alalaas gundhigay!” kuna saleeyey oraahdii ninkii waallaa ee inta reerka ka dhumay markii la soo helay, ee loo mashxaraday ku yiri dadkii u sacabba tumayey: “Maxaa la iiga alalaasayaa/mashxaradayaa, berri yaan haddana dhumayaaye!”. http://bilediraac.wordpress.com/2012/09/06/aragti-gaaban-iyo-alalaas-gundhigay/

Waxaan ku xijiyey qormo kale oo aan qoray doorashadii Xasan Sheeq ka dib baratmihii Sebtember 2012kii cinwaankeedu ahaa “Maxaa dhacay?!” oo aan iyana ku saleeyey oraahdii ninkii casha Masaarta la galiyey lo okeenay ee inta dhan walba ka eegayey yiri: “Hashaan meermeeray oo meel walba ka eegaye, aniga maankeyga gaddaye, ma Masaaray laqday?!” waxaanna isku weydiiyey: Mudane Xasan Sheekh Siyaasadda hore uguma jirin, mudda yar ayuu ka soo dhex muuqday, haddaba, maxaa ku dhaliyey inuu siyaasadda galo? Yaa ku dhiirragliyey inuu masraxa siyaasadda ku biiro? yaa maalgaliyey ololihiisa doorashada?. http://bilediraac.wordpress.com/2012/09/30/maxaa-dhacay/

Intaa waxaa ii dheeeraa maanso doodeed aan cinwaan uga dhigay: “Ajar-diid” oo aan soo saaray dhammaadkii Sebtember 2012kii, waxaana ka mid ahaa:

“In “ISBADAL”ku yahay eray

Ishu aysan qaban karin

Uuna maqal inagu yahay

Horaa lay ajarayoo

Asoo nuucyo badan buu

Aalloow na soo maray

Astaan Qaran ku sheeg iyo

Mar Kacaan ku aasnaa

Mar Islaam ku daabnaa

Intaa iyo intoo kale

Halkaa ugama harin, ee waxaa jiray qoraallo kale oo marna ahaa hogu tusaalayn marna ahaa tilmaam dhib soo food leh oo aan qoray sanadka ay jirto dawladdan hadda isku miliqsan, inaan xusana waxay ila noqotay lagama maarmaan, haddii kale waxay noqonaysaa inaan nahay dad ku soo baraarugay kaliya muranka maanta taagan iyo khilaafka jira, marka si aysan taa u dhicin waa in keydka iyo sooyaalka la xigtaa, haddii kale dadka dhan isku mid ayaa laga dhigayaa.

Horta midi waa muqaddas inaan qiro, oo ah in dawladdan murankoodu uu yaraa, marka loo fiirsho saddaxdii ka horraysay, taa uuba Xasan Sheeq ku tookhay. Qiraalkaa ka dib, maxaa xigay? Wuxuu yiri: “nimaad taqaan haddaad maro ka soo rogto waa isla isagii!” mar kale “Bahal ciiriin ma daayo, ninna caadadi kama tago”. Hadda ka hor ayaa waxaa la yiri dawaco ayaa waxay u timid reer guuraa xoolo dhan ka qaba hal Rati kaliya, oo ay rartaan marka ay guurayaan ama dhaansanayaan. Dawacadii reerkii ayey ka cuntay xargihii yeesha, markaa ayey maalintii dambe iyadoo laafiyoonaysa soo hormartay aqalkii reerka, oo si ku wiirsasho ah ku tiri: “Wallee reer aan ogahay ma guraan!” waa reer ay xaraggii lafdhabarta u ah noloshooda ka cuntay. Hadda Wallee reer (Soomaali) aan ogahay ma guraan!

Dowladdan cusub ee sanadka jirsatay waxaa looga baahnaa in ay wada xoreyso Degmooyinka iyo Gobollada, oo ka saarto Ururka Al Shabaab dalka.  Adiguse ma aragtay wax dagaalkaa iyo dirirtaaba wada? Sidoo kale, waxay ahayd maamul u samaynta gobollada wali waxba lagama billaabin, marka laga reebo Jubbooyinka, oo dana shisheeye ka dhex muuqdaan, halka Gobollada Dhexe, labada Shabeelle, Hiiraan, Baay iyo Bakool la iskaba laabay faylkooda.

Taa kaliya ma ahan fashalka jira, ee waxaanba wax laga qaban wali ammaankii oo ah sidii ay uga tagtay dawladdii Shariif, haddii uusan ka sii liidan, iska illow in helo Dastuur dhammaystiran iyo nidaam axsaab iyo in la gaaro hal qof iyo hal cod haddaad ku riyoonaysay markii hore.

Muranka madaxda: sidaa waxaan u leeyahay, maankaaga ku hay qisada Islaantii Reer Maka ee aan qoraalkii koowaad ku daah-furay, sidii si la mid ah, dhismaha Dawladdan maanta waa sanad jirsatay, sidii kuwii hore ayaa maanta gorodda la iskula jiraa, maalmihii la soo dhaafay hadday taagnayd labadan qodob: 1- Isku dhex wadaa. 2- Ballaarin (badin) maanta waxaa ku soo darsoomay Saacidka qudhiisa meesha ha laga saaro, oo sabab? Adba car garo.

Labada hore hore ee badinta iyo isku shaandhaynta, markii hore maxay toban wasiir ugu koobeen Golaha wasiirrada? Gablan, xaaba iga ba’a hadduu halyeeyo iyo hawlkarro ii keeno, ee wuxuu soo dhoobay habansenayaal, qaarkood aadba mooddo inay hadda Golihii Geela laga keenay, ma ahan inaan Hiisha Geela xumaynayo, balse, Hiisha uu ka tagay iyo Hiisha uu yimid ayaan is qaban. Qaar kale, waxaa wajigooda saaran qadiin aad mooddo inay hurdaysan yihiin. Qaar kale waa maahsanayaal (maqanayaal jooga). Qaarka kale waa ha lagaa sheego iyo ii dheh, marka adigu kuwaa ma la soo shirtagi lahayd, adoo tiro yar iyo toboneeyo la tubtagaya?.

Maalin dhaweyd waxaa jiry shir Muqdisho lagu qabtay oo Xasan Sheeq soo qabanqaabshay, oo ku saabsanaa “XANJIRNIMADA”, in kasta oo ragga safka hore fadhiyey ayba ahaayeen asalka iyo unugga ay ka soo farcameen xagjirka soomaalida (Alshabaab) haddana, waxaa sidoo kale jirta XAGJIRO SIYAASADEED oo ay Xasan iyo xertiisu ku dhaqaaqeen, oo ah inay wasiirradii ku soo koobeen toban kaliya, weydiinta baa ah: adoo Soomaali xilkeedu ku hoos yaal ogna marxaladda adag ee lagu jiro ma soo magacaabi lahayd tiro intaa la eg wasiirro ah? Yareebee, horta ma ka dhigi lahayd toban kaliya? Kaba dhige ma u xuli lahayd kuwan aanba xis iyo xigasho lahayn? Allaw Alle.

Tan 3aad ee ah in Saacid xilka laga qaado hadday ku dhammaato, waxay iska noqonaysaa intaa aan kaaga sheekeeyey, ee sooyaalka siyaasadda soomaalida ku salaysan, een ahayn mid fog iyo qarniyaal ka hor, ee waa uun toban sano gudaheed. Khilaafku dhammaan maayo inta laga xakamaynayo damaca xad-dhaafka ah iyo dastuurka oo mar walba qayb ka ah inay madaxdu madaxda isla galaan, oo lagu xallin karo in: 1- In Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen kaliya laga dhigo, oo Ra’iisul Wasaaraha la laalo, sida xaalku ahaa dawladdii Mileteriga iyo sida Maraynka. 2- In Ra’iisul Wasaare awood buuxda leh la xulo, oo Madaxweynuhu noqdo Madaxweyne sharafeed, sida Talyaaniga, Israa’iil iyo Itoobiya. U fiirso khilaafkii C/qaasim iyo Galayr, Shariif iyo Formaajo iyo kan Xasan iyo Saacid wuxuu ku salaysan yahay awoodda labada mudane, halka kii C/laahi Yuusuf iyo Geeddina uu hunguri iyo beeso ahaa. Anigu waliba waxaan ku talin lahaa in lagu kaaftoomo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen kaliya, oo aanba marna Ra’iisul Wasaaraha la magacaabin, illeen inta ay laba yihin muran dhammaa maayee.

Tiradu hayska koobantee , Tafaraaruq ma ku tagaa?

Toban Wasiir tiro ku koob, Taariikh gashee ma toosismee?.

Ammaanka: ayaan darro iyo ayaan wanaag wax ay tahay ma aqaane, Alshabaab goobaha ugu muhimsan ee laga qabsaday waxaa la qabtay xilligii dalwaddii Shariif, oo ay ugu muhimsan yihiin saddaxda magaalo xebeed ee Muqdisho “Caasimadda” Marka iyo Kismaayo, sidoo kale magaalooyinka Afgooye, Namabar Konton, Baydhaba, Afgooye iyo Beled Weyne, maadaama Shariif uusan xilka mar kale ku guulaysan la dagaallankii Alshabaa halkaa ayaa lagu hakiyey, oo sabab? Bal adba garo.

In ammaanku sidii yahay oo aan wax laga qaban, haddii uusanba sii xumaan, waxaa kuugu daliil ah, in Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir looga magacabay Sargaal Alshabaab horay uga tirsanaan jiray, oo la yiraa: Maxamed Aadan Koofi. Dhanka kale, Alshabaab dagaalkii ka dhanka ahaa maxaa loo joojiyey? Inaan diyaar loo ahayn in Alshabaab lala dagaalo waxaa kuugu daliil ah sidii xilka looga qaaday Gen. Dhaga Badan ABAAN DUULIYIHII hore ee CIIDANKA QABALKA SIDA, yaa maqlay berrin ama bar Alshabaab laga saaray, iska daa in degmooyin iyo gobollo laga saaree?. Midda kale, Alshabaab maanta iyadaa is cunaysa, ee maxaa looga faa’iidaysan la’ yahay khilaafkooda, oo intii la soo xeragalin karo looga soo reebi la’ yahay? Bal adba.

Dhaqaale: haddii C/qaasin, C/laahi Yuusuf iyo Sheeq Shariif, Ra’iisul Wasaare baddal taariikhda ku galeen, Xasan Shiiqna inta hadda la haayo waxaa taariikhda u gashay baddallada Guddoomiyaha Bangiga dhexe, oo in ka yar hal sano laba Guddoomiye iska daba magacaabay, oo labaduba is casilay, oo aanna la aqoon sababaha ka dambeeya is casilaaddooda, balse, la isla dhex marayo inay ka dhalatay maamul xumada madaxda dawladda iyo musuqmaasuq baahsan oo ka jira maamulkooda.

Mid kale aan kuu raacsho, badi khilaafyadan aan ka soo sheekeeyey waxay salka ku hayeen dhaqaale iyo lacago la kala boobayey, tusaale ahaan: kii u dhexeeyey C/qaasim iyo Galayr, C/laahi Yuusuf iyo Geeddi waxay isku khilaafeen lacago laga soo qaaday Sucuudiga, oo malaha ka dhigan deeqdooda kaliya mid loogu talagalay in nalagu kala geeyo iyo madax furashadii uu qaatay Sharmarke, haddaba Soomaaliyeeyey waxaad xaq iyo xuquuq  leedihiin meel walba oo aad ku aragtaan mudane dawladda ka mid ah inaad weydiisaan meesha ay ka baxday lacag ka badan 12 Malyan Dollar, maxaa yeelay, lacagtaa anaga dhan ayey naga wada maqan tahay, ee kama maqna oo kaliya qasnadda dalwadda. Gaar ahaan su’aasha waxaad la abbaartaan Xasan Sheeq, Saacid, Jawaari iyo wasiirka maaliyadda oo ka masuul ah arrintan.

Dhanka kale, madaxdan cusub haddii khilaafkoodu yar yahay, waxay ku fashilmeen waa meesha kuwii hore khilaafkoodu uu ka soo billaaban jiray oo ah maaraynta maalka. In ka yar sanad ayaa waxaa Bandhiga Dhexe guddoomiyenimada iska casilayey laba mudane. Bartamihii bishii September 2013 ayaa Marwo Yussur Abrar xilkaa loo magacaabay, bil iyo maalmo ka dib, waxay gudbiyey casilaaddeeda, ka hor, horraantii Jannaayo, ee 2013kii waxaa xilkaa loo dhiibay Cabdisalaam Cumar Hadliye oo isna iska casilay xilkaa bartamihii bishii Sebtember. Haddaba is weydiintu waa: GUDDOONKA BANGIGA DHEXE ma la CAYRIYEY mise waa CARAREEN?!

Maaliyaddan la isku jiiray, waxay ugu dambayn noqon doontaa meesha lagu kala boodi doono, illeen dhaqaalahaani siima socon doonee. Dad badan baa qaba in dhibka isku miliqa awoodaha madaxdu ay u sabab tahay laba arrimood kala ah: han-yarida Saaciid iyo awood badnaanta Faarax Topaz. Kan hore waa kali aan ku daabnayn reer ama raro adag, kan damba waaba madaxweynaha rasmiga ee dawladda sida in badan qabaan, taana ay ugu wacan tahay inuu Damjadiid, Carab iyo dhaqaale badan dabada kula jiro.

Bulshadeennii waxay noqotey sidii hashii ninka gurranaa uu dheelmiyey, oo aan dhinac u fayoobeen, sababtuna tahay, hadba ushu gacantay u soo gasho midig iyo bidix ugu garaaco. Dhammaan maamulladii soo marey dadlka ama garsoorkii bulshadeenna magacyadoodii haddaad maqasho macnaa kaaga baxayo sida: Qaalli Huurshe, Qalin Shubato, Qowlaysato, Riseysato, Aw-Geeddi Shaanbow IWM.

Kani galbay ku kale mooyee, tu kaloo ka daran baa jirtee, taana bal aan sheego. Anigu lama yaabbani khilaafkan hadda jira, sida uu ku dhammaan doonana saddaxda aan soo sheegay ma dhaafi daano midkood, balse, midda aan ka baqayaa ee wadna kurkurka igu haysaa waa in 2014ka aan mar kale marag iyo goobjoog u noqonno khilaaf hor leh iyo is casilaad ama isku ku shaandhayn iyo ballaarin xukuumad, taa oo run ahaantii aniga dareen xooggan igu haysa, sida muuqatana aan laga baaqsan doonin, maxaa yeelay waa meeshuu wiilku ka lahaa “War hebaloow sow Aabbe ma joogo!” saw ragga jooga ma aha kuwa hadda is haya, oo haddaa maxaad ka filan? Bal adba.

Laba wiil oo walaalo ah ayaa waxay la noolaayeen aabbahood oo cad ah, qofku marka uu waayeel noqdo wax ka cabasho iyo cataab badan, labadii wiil mid ka mid ah ayaa u dulqaadan waayey canaabta odayga, reerkiina isaga tagay, mudda ka dib, ayaa waxaa is arkay labadii wiil, oo iska waraysteen xaalka odayga, markaa ayaa wiilkii odayga ku haray ku yiri: “Odayga maxaad ku ogayd?” kii guriga isaga tagay ayaa ku yiri: “Indha la’aan!” kii odayga ku haray ayaa yiri: “Dad cunnimuu ku darsaday!” Hadda nimankii u dhexeeyey saddax xagalka: Xalane, Madaxtooyada iyo Garoonka Aadan Cadde, ee ka dhammaa waayey safarka miyaa maanta is qabqabsi ku daray iyo muran? Warkii hore war soo dhaaf, waayeel qolof lahaa yimid! Bal adba.

“Alifkii qalloocdaa

Sahal kuma istaagoo

Albaqraad ka garataa

Eray laaxinkiisee

Mar haddaan abbaar jirin

Dhabbe lagu arooriyo

Aan ujeeddo lagu socon

Ilduuf kama dhammaatee

Ma abaabul baa bixin?

Ma amaah ayaa xiri?!” Maansada “Ajar-diid”

Ugu dambayn. Soomaalidu waxay u baahan tahay saddax “CELIN” laba waxaa u baahan BULSHADA, midna waxaa u baahan MADAXDA. Labada ay BULSHADU u baahan tahay, waa: DHAQAN CELIN iyo AF CELIN. Dhallinta daamanka qalimmada iyo xarriiqyada midabaysan ku leh, ee sanka iyo dhagaha duratay waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN, sidoo kale, Qaad-cuneyaasha, Dableyda, Ugaas dillaalka, Jeneraal Xarrago waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Kuwa aan AF, ERAY, ARAR iyo AFARREEYNA aqoon waxay u baahan yihiin AF CELIN. Midda MADAXDU u baahan tahay, waa: BULSHO U CELIN! Oo ah in MADAXDAN bahallada noqotay, ee aad uga fogaaday BULSHADA in DIB LOOGU CELSHO, loona dhigo sida BULSHADU tahay, waxa ay u baahan tahay, waxa ka maqan, waxa ka dhimman IWM.

 

Bashiir M. Xersi

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!