Saxiixayaashii dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo shir ku leh Muqdisho

by admin | Thursday, Aug 13, 2015

hira_5Muqdisho : HN :– Waxa maalintii labaad ka soconaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho kulan ay halkaa ku leeyihiin saxiixayaashii hishiiskii dhismaha maamulada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

hira_3Kulanka Waxaa shir Gudoominayay Wasiirka arimaha Gudaha iyo federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Odowaa, waxaana ka qeyb galaya kulanka Wasiirada kasoo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe xildhibaanno iyo labada Gudoomiye ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa sidii loo bilaabi lahaa Howlaha maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ,waxaa sidoo kale shirka looga arinsanayaa dhismaha guddi farsamo oo fududeeya qabsoomida shirka Maamul u sameynta.

Waxaa wali caqabad ka taagan tahay halka lagu qabanayo shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe, waxaana tartan adag ugu jira marti galinta shirkaasi Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne.

hira_2hira_4Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!