Seddex qof oo ku dhintay maleeshiyo beeleed ku dagaalamay gobolka Galgaduud

by admin | Friday, Oct 9, 2015

Nuuso mareeb ; HN; – Inta la ogyahay seddex qof ayaa ku dhintay laba kalena  waa ay ku dhaawacmeen dagaal dad reer miyi ah ku dhexmaray deegaano u dhow Xiindheere oo ka tirsan degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Diririta u dhaxeysa dadka reer miyiga oo dhacday shalay illaa xalay  ayaa waxay  salka ku heysaa muran la xiriira deegaan iyo barkado biyo laga cabo.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Galgaduud, siyaasiyiin iyo maamulada deegaanka ayaa wada dadaal lagu joojinayo colaada labada beelood.

Nabadooon Maxamuud Cali oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee deegaanka ayaa sheegay inay wadaan dadaal ay wax uga qabanayaan colaada ayna rajeynayaan in wax badan ay iska bedalaan saacadaha soo socda.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!