Sh. Cabdul-qadir Nuur Faarax (Gacamey) oo lagu dilay Garoowe

by Yahye | Friday, Feb 15, 2013 | 160 views

SH. CABDULQADIR NUURGarowe: HN: Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in nin ku hubeysan bistoolad uu bartamaha magaaladaas Garowe uu goor dhow oo galabta ah ku dilay Alle u naxariistee Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo ka mid ahaa culimaa’uddiinka ugu caansan Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada maamulka Puntland.

Sheekha ayaa la toogtay kaddib markii uu ka soo baxay masaajid uu salaadda casar ku soo tukaday sida ay sheegeen dad goobjoog ah.

Saraakiisha ammaanka ee maamulka Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay nin dhallinyaro ah oo la sheegay inuu dilka geystay.

Lama oga sababta loo dilay Sheekh Cabduqaadir, hase yeeshee wuxuu horay Sheekhu u sheegay in marar badan loo soo diray farriimo hanjabaado ah.

Waa wadaadkii labaad oo si weyn loo yaqaanno oo lagu dilo deegaannada maamulka Puntland.

Bishii December  ee sanadkii 2011 rag hubeysan ayaa ku dilay magaalada Boosaaso Dr. Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, iyadoo dilkiisa lagu eedeeyay Al-Shabaab.

Ilaahay janadii fardowso ha geeyo Sh. Cabdul-qadir, ummada Somaliyeedna samir iyo iimaan allaha ka siiyo AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

Hiiraan Net

Like it? Share it!