Shabeelada dhexe oo la magacaabay gudi fatahaada webiga shabeele

by Yahye | Thursday, Oct 30, 2014

Jowhar; HN;- Iyadoo cabsi laga qabo inuu Fatahaad sameeyo wabiga Shabeele ee bartamaha ka mara degmooyinka Jowhar, Mahadaay iyo Balcad oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa gudoomiyaha Jowhar wuxuu gudi u saaray ka hortagista Fatahaadaasi.

Gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamed amiin Xaaji ayaa sheegay in gudiga ay qiimeyn ku soo sameyn doonaan inta uu la egyahay qaasaaraha Fatahaada u wabigu ka geystay deegaano ku yaalo Jiinka, kuwaasi oo badi laga barakacay.

Wuxuu sheegay gudoomiyaha inau jiraan Qoysas fara badan oo saameyn ku yeeshay Fataahada wabiga Shabeele kuwaasi oo u baahan in gargaar bini-adanimo lala gaaro.

Wabiga Shabeele ayaa marar badan Fatahaad ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelada dhexe, waxaana Fatahadaasi laga dhexlaa qasaaro isugu jira dhimasho iyo waliba bur bur hantiyadeed.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!