Shacabka reer Puntland oo lagu eedeeyay in ay gabaad siiyaan Al-shabaab

by admin | Monday, Dec 1, 2014

Garoowe : HN :– Madaxweyne ku-xigeenka maamul gobolleedka Puntland C/xakiin Camey ayaa si toos ah ugu eedeeyay shacabka ku dhaqan Puntland in ay gacan siiyaan xoogagga ka tirsan Al-shabaab ee falalka amaan darro ka geysta deegaannada Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in uu arkaydad daba-socda xoogag uu ku sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo lagu hayo dambigii ay galeen iyo qalabkii ay ku galeen, kuwaasoo ka dalbaday in loo sii daayo caruurtooda oo ay sheegeen inaysan wax dambi ah lahayn.

Waxaa uu intaa ku darray  in markii ay ciidanka amnigu qabtaan koox Al-shabab ka tirsan oo guri deggen, lana weydiiyo milkiilahacamey guriga in uu garanayay raggan ayuu sheegaa in uusan garanayn, balse uu uga kireeyay sidii qof guri doon ah.

“Milkiilayaasha guryaha waxaa laga doonayaa in ay iska eegaan qofka ay ka kireynayaan gurigiisa, waayo waxay tani qayb ka tahay sugidda amniga guud ee Puntland,” ayuu ku boorriyay Camey shacabka ku nool deegaannada Puntland.

Ugu dambeyn, madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka go’an tahay ka maamul ahaan inay ka hortagaan khatar walba oo kaga iman karta Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox ka shaqeynaysa amni-darro kusoo kororta deegaannada Puntland iyo Soomaaliya oo dhan.

Maamulka Puntland ayaa wuxuu tan iyo 2010-kii dagaallo kula jiray kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo fariisimo ku lahaa buuraleyda Galgala ee gobolka Bari, inkastoo maamulka Puntland uu dhawaan sheegay inay ciidamadiisu la wareegeen dhulka buuraleyda ah.

Eedeyntan loo jeediyay shacabka Puntland ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo mas’uul ka tirsan maamulkaas uu u jeediyo shacabka, iyadoo Al-shabaab ay dhowr jeer weerarro kala duwan ka geysatay magaalooyinka waaweyn ee Puntland, sida magaalada xaraunta ah ee Garoowe.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!