Shacabka Soomaaliland oo saakay u dareeray doorashada madaxweynaha

by wadani | Monday, Nov 13, 2017

Hargeysa : HN :-Shacabka Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah u dareeray goobaha codbixinta ee doorashada Madaxtinimada, iyadoo saaka aroortii dadku safaf dhaadheer u galeen sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen.

Dadka ayaa xilli hore u kalahay goobaha codbixinta, waxaana qaarkood ay tageen abaarihii 5-ta subaxnimo, iyadoo jawiga uu yahay mid degan.

Doorashadan oo ka duwan kuwii hore ayaa waxaa la sheegayaa in wax badan ka bedesho xaalada siyaasadeed ee Somaliland.

Illaa saddex Musharax ayaa u taagan Madaxtinimada Somaliland, kuwaasoo kala ah Musharaxiinta saddexda Xisbi ee kala ah Kulmiye, Wadani iyo UCID.

Musharaxiinta kala ah Muuse Biixi, C/raxmaan Cirro iyo Feysal Cali Waraabe ayaa todobaadyadii la soo dhaafay galay olole doorasho aad u xamaasad badan, waxaana musharax walba uu muujinayay cududiisa taageero ee uu heysto.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa sheegay inay diyaariyeen dhamaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa codbixinta, isla markaana waraaqaha lagu diyaariyay goob kasta oo loo asteeyay in laga codeeyo.

Magaalada Hargeysa ayaa laga codeynayaa goobo fara badan, waxaana saaka dadka u dareereen xarunta Guriga Shaqaalaha iyo goobo kale ee taal sanaadiiqda cod bixinta.

Si looga hortago in doorashada lagu shubto ayaa waxaa markii ugu horreysay goobaha codbixinta lagu isticmaalayaa qalab aqoonsanaya indhaha codbixiyayaasha.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!