Shafiir Xassan Sheekh Aadan oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo

by admin | Tuesday, Feb 24, 2015

Baydhabo : HN :–Shariif Xassan Sheekh Aadan madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, kadib safaro uu ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Shariif Xasan ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha wasiiro ka tirsan Maamulka Koofur galbeed, Maamulka Gobolka Baay, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka koofur galbeed oo soo dhoweeyay madaxweynaha Koofur Galbeed ayaashariif-xasan-280x175 sheegay in guul ugu soo dhamaadeen safarkii uu ku tagay Kenya iyo Itoobiya, uuna kula soo hadlay arrimaha maamulka Koofur Galbeed iyo sidii loo taageeri lahaa.

Mar uu ka warbixinayay safarkiisa ayuu sheegay in uu la soo kulmay madaxda Itoobiya, madaxda ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo uu ku booqday magaalada Jiga-jiga, wuxuuna xusay in uu kala soo hadlay sidii ay u taageeri lahaayeen maamulkiisa, isla markaana ay gacan uga siin lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sidoo kale dalka Kenya waxaa uu kula kulmay Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto, ayna ka wada hadleen xiriirka labada dhinac iyo sidii maamulkiisa ay u taageeri lahaayeen.

Ugu dambeyn Shariif Xasan ayaa sheegay in safarkiisa uu guul ku soo dhamaaday, isagoo xusay in maamulkiisa uu wax ka qaban doono arrimo badan oo hor-yaala, kaasoo ka mid ah ammaanka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!