Shaqaale Samafal oo lagu afduubtay duleedka Baydhabo

by wadani | Monday, Sep 11, 2017

Baydhabo : HN :-Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegya in shaqaale u shaqeynayay Hey’ad sama fal lagu afduubtay duleedka magaaladaas.

Sida ay sheegayana wararka dabley hubeysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa afduubtay shaqaalahan oo gaarayay lix ruux.

Wararka ayaa intaa ku daraya in shaqaalahan la afduubtay xilli ay deegaanka Garas Mooshin ka qeybinayeen cunto naqafeysan

Shaqaalaha la afduubtay oo gebi ahaan Soomaali ahaa ayaa ka tirsanaa hey’ad sama fal oo ka howl galeysay deegaanada koofur galbeed.

Ma ahan markii u horeysay oo shaqaale sama fal lagu afduubto duleedka Baydhabo labo bilood ka hor ayay aheyd markii shaqaale sama fal la afduubtay, kuwaasoo markii dambe la sii daayay.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!