Shaqaalihii diyaaradii ku bur burtay carbiska ee gobolka Shabeellaha hoose oo xabsiga la dhigay

by admin | Friday, Oct 16, 2015

Muqdisho : HN :–Shaqaalihii ka shaqeynayay diyaaradii dhawaan ku dhacday duleedka Muqdisho ayaa la sheegayaa in xabsiga la dhigay.

Diyaaradan oo ka diiwaan-gashaneyd dalka Masar ayaa shaqaalaheeda lagu xiray magaalada Muqdisho, kaddib markii lagu soo eedeeyay inay sameeyeen qaladaad ka yimid dhinaca duulimaadyada ay sameyneysay oo ay ku timid dalka Soomaaliya.

Khadka duulimaadka shirkadda oo shixnado raashin ah ka soo qaaday magaalada Ostend ee dalka Biljimka ayaa dib ugu laabatay magaalada Qaahira, sida ay sheegayaan warbaahinta magaalada Qaahira ee wadanka Masar iyadoo kaddibna Soomaaliya u soo duushay.

20151013635803035305627604DSC07338Ciidamada AMISOM ayaa shaqaalahaasi ka qaaday Baasabooradii ay wateen, iyagoona xabsiga dhigay, waxayna QM ku eedeysay in shaqaalahaasi ay sameeyeen qaladaad dhinaca duulimaadka Soomaaliya ku timid.

Dhinaca kale saraakiisha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan hadlay diyaaradda ku degatay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo laga badbaadiyay dadkii saarnaa iyo shixnadihii ay wadday.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!