Shaqaalle tababar loogu qaaday dalka Turkiga oo u sii baxsaday dalka Gariiga

by admin | Wednesday, Dec 24, 2014

Ankara : HN :–Shaqaalle ka tirsanaa wasaarrada arrimaha dibada Soomaaliya oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga ayaa lagu waramayaa in afar ka mid ah markii ay gaareen magaalada Ankara uga sii baxsadeen dhinaca dalka Gaariiga.

Shaqaalahan oo gaarayay 10-ruux oo mid ka mid ah ay aheyd Dumar ayaa qorshuhu ahaa in Tababar xaga xirfada IT ku soo qaataan magaalada Ankara, iyadoo tababarkan ay bixineyso Wasaarada Arrimaha Dibada Turkiga.

Ujeedada tababarkooda ayaa lagu sheegay in dhalinyaradan marka ay wax kasoo bartaan Wasaarada Arrimaha dibadashaqaale Turkiga in loo kala qeybiyo safaaradaha Soomaaliya ee dibada si qeybta IT-ga iyo isku xirka dhanka Isgaarsiinta ee Safaaradaha Soomaaliya ee ku yaala Wadamada aduunka oo dhan uga shaqeeyaan.

Afar ka mid ah shaqaallaha tababarka loo qaaday ayaa maalintii Axadi u baxsaday dalka Gariiga, iyagoo qaab qarsoodi ah ku galay, sida warqad qoraal ah oo ka soo baxday Safaarada Soomaaliya ee Turkiga lagu xaqiijiyay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in mid kale oo xalay isku dayay inuu baxsado la qabtay, waxaana dhici karta in loo soo musaafuriyo Soomaaliya.

Warqada qoraalka ee ka soo baxday safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Ankara oo nuqul ka mid ah na soo gaaray ayaa lagu sheegay in Safaarada aanay mas’uul ka aheyn wixii hada ka dambeeya shaqaalihii tababar loo keena dalka Turkiga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dhalinyaradan aanay aheyn shaqaale rasmi ah, balse qaab dhoofis ah lacago looga qaatay, si ay u matalaan shaqaalaha Wasaarada Arrimaha dibada, marka ay tagaan Turkigana ka sii dhuuntaan, si ay ugu sii gudbaan dalalka Yurub.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!