Shaqaalo dowladeed awood u yeeshay ku takrifalidda hantida Qaranka

by Yahye | Wednesday, Jan 2, 2013 | 30 views

Dowlad kastaa oo jirtaa waxa ay leedahay sharci u gaar ah oo ay ku maamusho dalkeeda iyo dadkeeda, sharciguna waa inuu qabtaa shaqsi kastaa oo dambi galaa ha ahaado shacab, madax, askari, xildhibaan, safiir, wasiir, biitooni(dhul xaaqe) iyo shaqaale kastaa oo dowladda u shaqeeya.

Shaqaalaha dowladdu waa kala heer heer, weyna kala darajo sareeyaan, mid walibana waxa uu qabtaa shaqooyin u gaar ah oo uu u hayo Qarankiisa, waxaana muhim ah in shaqaale kastaa lagu abaalmariyo haddii uu qabto wax wanaag ah oo uu kor ugu qaadayo sumcadda dalkiisa, sidoo kale haddii uu qalad ama dembi Qaran galo waa in sharcigu qabtaa oo lagu qaadaa ciqaabta heerka dambiyeed ee uu galay.

Sida aynu ogsoon nahay Safiirradu waxa ay ka mid yihiin shaqaalaha dowladda, dal kasta oo ay safiir ka yihiinna waxa ay ku metelaan Qarankooda, waxayna ku howl galaan oo ay ku shaqeeyaan awaamiirta dowladdooda, taasoo ay jirto ayaa waxaa haddana muddooyinkan dambe soo ifbaxay in qaar ka mid ah safiirradii dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalalka caalamka ay yeeshaan awood u gaar ah iyagoo aan ka amar qaadan wasaaradda arrimaha dibadda ee howshooda qaabilsan.

Waxaa dhacday in safiirro Soomaaliyeed ay awood u yeesheen ku takrifalidda hantida Qaranka iyagoo aan dowladdooda wax amar ah uga heysan amaba latashi la samaynin, sida in safiir uu si iskiis ah u kireysto dhismaha iyo xafiisyadii Safaaraddii uu magaca Soomaaliya ku matalayay, weliba waxaa layaab sii ah in safiirradaas qaarkood ay ku doodaan inay arrintaas ku saxsan yihiin….. “Lacagaha kirada laga helo waxaan ku dayactireynaa dhismaha safaaradda” ayaa laga hayaa qaar ka mid ka mid ah safiirrada kireystay safaaradaha Soomaaliya, iyadoo qarashaadka ay ku kireeyeen aysan dowladdoodu la ogayn amaba ka war heynin, ayna markaasi noqoneyso hanti dowladeed si marmarsiyo ah loo dhacay una gashay jeebabka shaqsiyaad safiirro ah, ileyn ma jiro heshiis dowladdu saxiixday ama wax ka ogtahaye, kaliya waa awood ay si gaar ah isu siiyeen safiirro shaqaale dowladeed ah.

Sidoo kale waxaa jira dhismayaal safaarado iyo dhisayaal kale oo ay leedahay dowladda Soomaaliya oo aan ilaa iyo hadda gacanta dowladda ku jirin oo safiiro Soomaaliyeed ay ka kireysteen ama ay ka iibiyeen hay’ado, ganacsato iyo shaqsiyaad caadi ah, waxaa kale oo jira safaarado ay dhex degan yihiin qoysasaka safiirrada kuwaasoo hantidii qaranka u isticmaala sida inay iyagu leeyihiin oo kale.

Haddaba dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon la xisaabtan gaar ah in ay ku samayso safiiradaha aan dhicin ee aan la beddelin, hantida qaranka iyo qarashaadka soo gala safaaradahana iyaga u isticmaala hanti u gaar ah, iyagoo weliba ku dooda “Dowladdu wax mushaar ah nama siiso inagaa si kasta oo aan wax ku heli karno ka samaysanayna safaaradaha aan ka talinno”.

Waxaa kale oo la ogsoon yahay in safaaradaha qaar ay qabtaan howlo dhaqaalo uu ku soo galo sida iyagoo bixiya Baasaboorro, warqado dal ku gal ah, kuwo dal ku joogid ah iyo arrimo fara badan oo ay dhaqaalo ku kasbadaan, mana uu jiro la xisaabtan dhab ah oo wasaaradda arrimaha dibaddu ay la samayso safiiradaas takrifalidda samaynaya.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ay xildhibaannada Baarlamaanku wax ka weydiiyeen safaaradaha lagu takri-falay ee safiiradu ay iska kireysteen amar dowlo la’aan, waxayna ku doodday oo ay isku difaacday wasiiraddu  in markii la kireynayay safaaradahaas ay ka horreysay xilligii magacaabisteeda, hase ahaatee aysan sidaasi uga hari doonin oo ay baaritaan ku samaynayso iyadoo xustay in ay Guddi  gaar ah ay u saartay arrintaas.

Haddaba eeddu kuma koobna safiirado kireystay safaarado ee sidoo kale waxaa jira safiirro aan waxqabad muuqda lahayn, kuwaasoo weliba is laheysiiyey howsha safiirnimo  uguna shaqeysta si shaqsi ah ee aan si Qaran ugu shaqeynin, iyadoo qaar ka mid ah safiiradahaas ay ku dhex milmeen ganacsatada iyo maalqabeennada Soomaalida ee dalalka ay safiirrada ka yihiin, kuwaasoo awooddooda safiirnimo uga qaata dhaqaale iyagoo kula gorgortama in wax kasta oo ay safaaradda uga soo baahdaan ama isku xirka madaxda dalka ay ku ganacsadaan u fududeynayaan, marka waxaa loo baahan yahay in kuwaasi ay dowladdu il gaar ah iyaguna ku eegto.

Su’aalaha jawaabaha u baahani waxa ay yihiin: Safiiradu shaqaale dowladeed ma aha miyaa…? Sharciga dalka u degsan iyagu ma qabto miyaa…? Mar haddii ay ka howlgalaan meel dalka ka baxsan wey ka madax bannaan yihiin miyaa dowladda iyo sharciyada dalka oo shaqaalaha iyo shaqsiyaadka gudaha dalka ku sugan kaliya ayuu sharcigu qabtaa miyaa macnuhu….? Jawaabaha su’aalahani waa kuwo u yaala dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha u yahay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

 

W/D: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil  Dalmar)

caaqildalmar@hotmail.com

caaqildalmar@gmail.com

Like it? Share it!