Shaqsi loo maleynayo safiirkii Greece oo meydkiisa laga helay Braziil

by wadani | Friday, Dec 30, 2016

Brazil : HN :- Saraakiisha Booliska dalka Brazil ayaa sheegay in ay heleen gaari gubtay oo uu ku jiro qof meyd ah oo loo maleynayo inuu yahay safiirkii dalka Greece u fadhiyey Brazil.

Kyriakos Amiridis ayaa la la’aa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana gaariga safiirka oo gubtay laga helay gudaha xaafadda Nova Iguacu oo ka mid ah xaafadaha ay ku nool yihiin dadka saboolka ah ee magaalada Rio.

Wararka ayaa sheegaya in Danjire Kyriakos Amiridis uu booqanayey qaar ka mid ah asxaabtiisa oo degan xaafadaasi.

Booliska ayaa sheegay in safiirka Greece u fadhiyey Brazil Kyriakos Amiridis la waayey habeenkii isniinta, markii dad ugu war dambeysayna waxaa lagu arkay xaafada Nova Iguacu, isagoo wata gaarigiisa.

Safaarada Giriiga ee dalka Brazil wali maysan xaqiijin geerida Danjire Amiridis, waxaana socda baaritaano lagu xaqiijinayo in meydka gubtay ee laga dhex helay gaariga uu isaga yahay iyo in kale.




Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!