Shariif Sheekh Axmed oo siweyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo

by wadani | Wednesday, Jan 4, 2017

Kismaayo : HN :-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Madaxweynah dowlad gobolleedka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxbadan lagu xasuusto  isla markaana waxqabad lagu bartay.

Sidoo kale Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay saxaafada markii uu gaaray Kismaayo ayaa u mahadceliyay sida wanaagsan ee loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay ugu dambeysay magaalada Kismaayo sanadkii 2006dii haatana isbedel weyn uu ka muuqdo.

Safarka Shariif Sheekh Axmed ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay tahay mid ka dambaysay kadib markii siyaasiyiin iyo waxgarad ay dhexdhexaadin ka dhex sameeyeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed kadib markii la sheegay in khilaaf uu soo kala dhex galay.

Ugu danbeyntii, musharax Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa haddii uu helo taageerada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xildhibaanada ka soo jeeda Jubbaland ay u noqoneysaa mid ololihiisa doorasho waxtar u leh.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!