Shariif Xassan” mar hakasta oo weerarada hakad galaan Al-shabaab dib ayeey isku abaabulayaan

by wadani | Wednesday, Dec 9, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan ayaa dhaliilay qaabka uu u socdo howlgalka Al-shabaab lagula dagaalamayo, isagoo xusay in mar kasta oo howlgalkan uu hakad-galo ay mar kale dib u xoogeysanayso Al-sshabaab.

Shariif Xassan oo hadalka ka jeediyay shirkii Muqdisho ka dhacay Talaadadii shalay ahayd ayaa sheegay in dhib badan lagu qabo waddada Muqdisho iyo Baydhabo isku xirta, isagoo sheegay in waddadaas ay ku sugan yihiin xoogag ka tirsan Al-shabaab, ayna weeraraan gaadiid kasta oo maraya.

2015128635851677678237429Shirkii_Madasha_HLPF_Somalia (2)“Marar badan ayaa dagaal lala galay Al-shabaab; laakiinse markii la jilciyo Awood-dooda; haddana waa laga istaagayaa, markaas ayayna dib u soo xoogeysanayaan. Shacabka niyad-xumo ayaa haysa, xataa qaarkood waxay is-leeyihiin haddii ay Al-shabaab kasoo horjeesan lahaayeen, berri ayay mar kale maamulka la wareegayaan oo dhibaato idiin geysanayaan,” ayuu yiri Shariif Xasan oo ku baaqay in dagaalka Al-shabaab la xoojiyo.

Ugu dambeyn, Howlgalka loogu magac daray Badweynta Hindiya ayaa hakad ku yimid kaddib markii Al-shabaab ay weerarro xooggan ku qaaday saldhigyo ay ku lahayd AMISOM gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo lagu dilay tiro ciidamada AMISOM ka tirsan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!