Shariif Xassan oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

by admin | Thursday, Dec 25, 2014

Baydhabo : HN :–Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa dib ugu labatay magaalada Baydhabo kaddib safar uu malmihii ugu danbeeyay ugu maqnaa magaalooyinka Baraawe iyo Muqdisho.

Waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha mas’uuliyiinta gobalka iyo kuwa degmada, saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda iyo dadweyne kale.

Shariif Xassan Sheekh Aadan oo booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo ah caasimaddaShariif dib maamulka uu madaxda ka yahay ayaa markii uu soo gaaray Baydhabo wuxuu la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay safarkiisa iyo wixii u qabsoomay inuu Baraawe joogay, wuxuna xusay inuu nabad dhex-dhigay beelo gobolka Shabeellada Hoose ku dagaalamay.

Dhanka kale, Shariif Xasan ayaa sheegay inuu dhameystiri doono golihiisa wasiirrada, isgaoo sheegay inuu xilalka dhiman u magacaabi doono xubno khibrad u leh fulinta howlaha looga baahan yahay.

Madaxweynaha Koonfur-galbeed, Shariif Xasan ayaa inta la doortay wuxuu booqasho ku tagey degmooyinka Xudur oo gobolka Bakool ka tirsan iyo Baraawe oo gobolka Shabeellada Hoose ka tirsan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!