Shariif Xassan oo ka badbaaday isku day dil

by admin | Monday, May 18, 2015

Afgooye : HN :– Shariif Xassan Sheekh Aadan madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya oo maalmihii ugu danbeeyay safar ku marayay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose, ayaa lagu waramayaa in uu ka badbaaday isku day la doonayay in lagu khaarajiyo kaddib markii gadiid uu la socday miino lagu weeraray inta u dhaxeysa degmada Afgooye iyo deegaanka Carabiska.

Afhayeenka madaxweynaha Koonfur-Galbeed, C/qaadir Nadaara oo Warbaahinta la hadlay qaraxa kaddib ayaa sheegay in gaadiidkii uu la socday madaxweynaha waddada loo geliyay miino, balse aysan jirin cid wax ku noqotay.

“Shariif Xasan maalmahan wuxuu safarro shaqo ku bixinayay deegaannada hoos-yimaada maamulka Koonfur-galbeed ee gobolka shariif-xasan-sheekhShabeellada Hoose, waxaana lala beegsaday maanta Gaadiidkisii Qarax miino oo waddada hareerteeda lagu sii aasay, mase jirto cid ay waxyeello kasoo gaartay,” ayuu yiri Nadaara.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa xusay in miinada oo ahayd mid Xooggan ay Qaraxday kaddib markii gaadiidkii uu madaxweynuhu la socday ay dhaafeen, isagoo xusay in madaxweynaha iyo wafdiga la socday aysan waxyeello soo gaarin.

Inkastoo uu san cidna ku eedeyn qaraxan miino, ayuu wuxuu xusay inaysan jirin cid wax ku noqotay, isagoo intaas ku daray in Qaraxa uu ahaa mid Xooggan, Isla markaana aysan jirin gaadiid dadweyne oo xilligaas marayay waddada.

“Madaxweynuhu howshiisa si caadi ah ayuu u wataan, markii uu qaraxu dhacayna waxaa baaritaanno ku sameeyay Qaraxa ciidamadii AMISOM oo la Socday, iyagoo sheegay inay ahayd miino dhulka lagu aasay,” ayuu mar kale yiri C/qaadir Nadaafa.

Ugu dambeyn, illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerarka miino ee maanta lala beegsaday Shariif Xasan iyo Kolonyadii Gaadiidka ahaa ee uu la socday, balse qaraxyada noocan oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegata Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!