Shariif Xassan oo ka badbaaday weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday madaxtooyada K/galbeed

by admin | Thursday, Mar 12, 2015

Baydhabo : HN :– Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya uu ka badbaaday weerar ismiidaamin iyo mid toos ah oo maanta Al-shabaab ku qaadeen xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sugnaa gudaha xarunta Madaxtooyada oo ku taala xaafada Isha ee Magaalada Baydhabo markii weerarka dhacayay, iyadoo ka bad baaday weerarka.

Wararku waxaa ay sheegayaan in kooxaha weerarka qaaday oo dhamaan ilaa shan ruux mudo labo saacadood ah la dagaallamayeenShariif-xasan54 ciidammada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOm oo markii danbe howlgalka soo afjaray.

Lama soo sheegin khasaaraha dhinaca Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo Ciidamada Soomaaliya hase yeeshe waxaa jira warar madax banaan oo sheegaya in 3 askari halkaas kaga dhimatay ciidamada Ilaalada ka ahaa xarunta.

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa ah mid kacsaneyd tan iyo markii uu weerarka bilowday, iyadoo dadkii ku sugnaa faras magaalaha ay ka kala carareen, markii rasaas wiifto ah

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!