Shariif Xassan oo ku dhawaaqay xubno golle wasiiro oo hor dhac ah

by admin | Friday, Dec 19, 2014

Baydhabo : HN :– Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa magalada Baydhabo kaga dhawaaqay magacyada ilaa afar wasiir oo sidda uu sheegay hor dhac ah u ah dhismaha xubnaha gollaha wasiirrada maamulkiisa.

Shariif Xasan ayaa sheegay inuu soo dhameystirayo xubnaha ka haray wasiirada maamulka, isagoo ka dhawaajiyay inuu qeybaha bulshada iyo beelaha dega saddexda gobol uu kala tashanayo sidii uu u dhameystiri lahaa maamulkiisa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wasiirada ay intaan ku koobnaan doonin, islamarkaana kuwo fara badan laga daba keeni doono, isagoo ka codsaday dadka howsha loo igmaday in si wanaagsan kaga soo baxaan.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Siyaad Sheekh Dahir ayaa sheegay in afarta wasiir ee la magacaabay ay horu dhac u yihiin GolahaSharf wasiirada maamulka.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah:-

1. Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate), Wasiirka Arrimaha Gudaha
2. Maxamed Xasan Fiqi, Wasiirka Beeraha
3. Axmed Sheekh Xasan (Garrow), Wasiirka Garsoorka
4. Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur, Wasiirka Maaliyadda

Waxaa uu madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan uu sheegay in dhameystirka maamulkiisa ka dib ay ku tala jiraan dhismaha ciidan u gaar ah maamulka oo ammaanka deegaanada uu ka howlgalayo Koonfur galbeed suga.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!