Shariif Xassan oo maanta gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool

by admin | Friday, Dec 12, 2014

Xudur : HN:– Madaxweynaha maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ee dhawaan la doortay  Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool, waana booqashadii ugu horeysay oo uu halkaa ku tago tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyinta degmada Xudur iyo odayaasha dhaqanka ee degmadaas, oo ay ka wadda hadlleen arrimo quseeyavvvv-252x175 degmada.

Mas’uuliyiinta la socota Shariif Xasan ayaa u sheegay warbaahinta in ay madaxweyaha koofur galbeed Soomaaliya iyo mas’uuliyiintii uu la kulmay ay ka wadahadleen sidii loo horumarin lahaa degmada Xudur isla markaana shacabka ku nool deegaanadaas u heli lahaayeen gargaar inkastoo wadooyinka soo gala magaaladaas ay xayiraad ku soo rogeen ururka Alshabaab.

Mas’uuliyiinta degmada Xudur iyo oday dhaqameedyadii uu la kulmay Shariif Xasan ayaa waxa ay ka codsadeen in maamulkiisa uu ka shaqeeyo sidii loo furi lahaa wadooyinka soo gala magaalada Xudur.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!