Shariif Xassan oo sheegay in uu rajo ka qabo doorasho dalka ka qabsoonta sanadka 2016-ka

by admin | Thursday, Dec 4, 2014

Baydhabo : HN :– Madaxweynaha maamulka KMG Koonfur-galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan oo shalay loo caleemo-saaray xilka ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxda dalka, isagoo sidoo kale sheegay inuu rajo ka qabo in dalka ay doorasho ka dhacdo sannadka 2016-ka.

Shariif Xassan oo ka hadllayay rajada uu ka qabo doorasho dalka ka qabsoonta sanadka 2016-ka, ayaa sheegayinuu rajeynayo inay ka dhici doonto doorasho, haddii qof iyo codkiis la gaari waayana wax ka duwan sidii hore in la sameeyo ayaan soo jeedinayaa. Waayo haddii ay doorasho dhici waydo waxaa laga yaabaa inay dhibaatooyin dhacaan, marka waa in la qabto ayuu yiri doorasho laga fikiray.

Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee dalka ayuu sheegay in dadaal badan uu isaga shaqsiyan kaShariif-Xasan-Sheekh-Aadan1 gallay sidii loosoo afjari lahaa khilaafka, laakiin sidda uu hadalka u dhigay dadaalkaas iyo dadaallo kale oo badan oo arrintaa laga gallay lagu guul-dareystay.

“Aniga dadaal badan ayaan u galay sidii khilaafka madaxda dalka u dhexeeya loo xallin lahaa, dadaallo kalena waa jireen, balse laguma guuleysan, lagama quusan waana weli oo rajo ayaan ka qabnaa in lagu guuleysto. Marka Maadaama dalka madax u yihiin waxaan ugu baaqayaa inay dalka iyo dadka u naxaan oo ay iyagu wada-hadlaan kana heshiiyaan kala aragti-duwaanashaha. Haddii taasi dhici wayso waxaa loo sameeyay in lagu xalliyo baarlamaanka, sidoo kalena waxaan ka codsanayaa xildhibaannada inay si nabad ah xal uga gaaraan,” ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariif Xassan ayaan maalintii shalay loo caleemo saaray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!