Shariif Xassan oo u kuur-galayay tacadiyadii AMISOM ay ka geysteen Marka

by admin | Saturday, Aug 29, 2015

Marka : HN :–Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay Weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya, Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Shabeellada Hoose ayaa Maanta gaaray Degmada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo Saraakiisha AMISOM ee Degmadaas Jooga kala hadlaya dilkii Toddoba qof oo Shacab ah ay 31-kii bishii July ciidamada AMISOM ugu geysteen Degmadaas.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa sidoo kale degmadaas uu geeyay maamul uu dhawaan u magacaabay. Afhayeenka Maamulka20141225635550837403807691shsh Koonfur-galbeed ayaa sheegay in Amniga degmada aad loo adkeeyay.

Afhayeenka madaxtoyada maamulka Koonfur galbeed C/qaadir Max’ed Cashara Nadaara ayaa sheegay in madaxweynaha mamaulka Koonfur galbeed iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda DF ay Saraakiisha AMISOM ee ku sugna Marka kala hadlayaan dadkii Shacabka ahaa ee AMISOM ay ku dishay Marka, iyadoo sidoo kale ay Mas’uuliyiintan la Hadli doonaa Wax-garadka iyo bulshada degmadaas ku nool.

Taliska Ciidamada AMISOM ayaa dhawaan qirtay in ciidamadooda ay 31-kii July ku dileen dad shacab ah oo tiradoodu tahay 7-qof kuwaasoo ku sugnaa guri uu aroos ka dhacayay oo ku yaalla Xaafadda Ruusiya.

Ergayga Midowga Afrika ee Somalia; ahna Madaxa AMISOM, Danjire Maman S. Sidikou oo toddobaadkii hore warbaahinta kula hadlay Nairobi ayaa sheegay in loo Qabtay falkaas saddex Askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ee Uganda ka doscda, lana soo taagi doono Maxkamad.

Ugu dambeyn, AMISOM ayaa Raalli-gelin ka bixisay Dilalka ay ciidamadoodu ka Geysteen degmada Marko, iyadoo dhawaan ay madaxda AMISOM sheegeen inay ka bixinayaan dilka dadkaas shacabka ah mag-dhow.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!