Shariif Xassan oo wax yar kadib markii la doortay u dhoofay shirka Copenhagen

by admin | Monday, Nov 17, 2014

Baydhabo : HN :– Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa goor dhaw oo maanta ah waqti yar uun kaddib markii la doortay u duulay dalka Denmark si uu uga qeyb-gallo shirka Copenhagen.

Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa sheegay in uu ka mid yahay wafuud lagu casuumay shirka sidda daraadeed uu u dhoofayo magaalada Copenhagen.

“Shirka Copenhagen arrimaha Soomaaliya ayaa looga hadlaya annigana waxaan ka mid ahay mas’uuliyinta maamul-gobolledyada dalka ee shirka lugu casumay,”ayuu yiri madaxweynaha cusub ee maamulka koonfur-galbeed Soomaaliya.

Ma jiro wafdi ka socda dowladda oo shirkan lugu doortay Shariif Xasan ka qayb-gashay,waxaana dowladda ay horay u caddeysay in laSharf hakiyo shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed oo kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose, inkastoo uu sii socday.

Wafuud kala gadisan oo madaxda Soomaalida ah ayaa maanta meelo kala duwan ka baxday si ay uga qayb-galan shirka lugu wado 19 bishan inuu ka qabsoomo Copenhagen.

Shirkan waxaa qorshuhu yahay in lugu soo bandhigo hiigsiga cusub ee Soomaaliya iyo waxqabadka dowladda dhexe,madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed,wasiirro ka socda dowladda Puntland iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa xilli hore oo maanta ah iyagana u ambabaxay,Copenhagen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!