Shariif Xassan oo xubnimadiisii baarlamaanka loo dhaariyay wiil uu dhalay

by admin | Tuesday, Dec 2, 2014

Muqdisho : HN :– Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa markii uu furmay saakay fadhiga baarlamaanka, waxaa uu xildhibaannada ku war-galiyay in la dhaarin doono xildhibaan cusub oo sidda uu sheegay badali doona madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh, waxaana uu ku sheegay xildhibaannka cusub C/qaadir Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Waxaa dhaariyay xildhibaanka cusub mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka, iyadoo dhaarta kaddibna uu si caadi ah ugu biirayShariif_Xasan_Shirka_Baydhabo fadhiga baarlamaanka.

Shariif Xassan oo dhawaan loo doortay in uu noqdo madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay siyaasi siweyn galaan-gal buuxa ugu leh siyaasada Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaan kaalintii uu ku lahaa muranno badan oo soo kala dhax-gallay mas’uuliyiinta dowladihii ku-meel-gaarka ee dalka soo maray.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!