Shariif Xassan Sheekh Aadan oo Afgooye ka furay shir dib-u-hishiisiineed

by admin | Monday, Jan 26, 2015

Afgooye : HN :– Madaxweynaha Maamulka KMG ee Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ka furay degmada Afgooye shir dib u heshiisiin ah oo lagu heshiisiinayo beelihii ku dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wuxuu ugu baaqay Shariif Xassan beelaha ku dagaalamay deegaanada Shabeellaha Hoose inay sameeyaan tanaasulaad, isla markaana aanay wax faa’ido laheyn colaada, loona baahan yahay in laga dhabeeyo dib u heshiisiinta.

“Waxaa ka codsanayaa beelaha walaalaha ah ee dagaalamay inay tanaasulaad muujiyaan, colaadana la joojiyo, waxaa ugu baaqayaa in laga dhabeeyo dib u heshiisiinta halkan lagu gaarayo”ayuu yiri Shariif Xasan.

Shirka ayaa siddoo kale waxaa ka hadllay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kuwaasoo ku baaqay in la adkeeyo dib u heshiisiinta, islashariif-xasan-280x175 markaana la fuliyo qodobada lagu heshiiyay.

Qodobo ayaa la filayaa in laga soo saaro shirkan dib u heshiisiinta, kaasoo lagu soo afjarayo colaada u dhaxeeya labada beelood ee ka soo kala jeeda H/gidir iyo Biyo-maal, iyadoo horay u jireen heshiis la dhex dhigay oo bur bur ku yimid.

Shirka dib u heshiisiinta ee ka furmay degmada Afgooye ayaa waxaa ka soo qeyb galay beelaha labada dhinac ee dagaalamay, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Koofur Galbeed.

Maamulka Koofur Galbeed oo ka kooban saddex gobol ayaa dhowaanahan waday dadaalo uu doonayay inuu xal uga gaaro dagaal beeleedyada soo noq nqoday ee Gobolka Shabeelaha Hoose ku dhex maray labo beelood oo walaalo ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!