Shariif Xassan Sheekh Aadan oo Kismaayo siweyn loogu soo dhaweeyay

by admin | Saturday, Dec 27, 2014

Kismaayo : HN :–Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor-dhow ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, halkaa oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Shariif Xassan iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Madoobe iyo golihiisa wasiirrada, iyadoo loo qaaday dhinaca madaxtooyada maamulka Jubba.

Safarka Shariif Xassan oo noqonaya kii ugu horeeyy ee uu ku tago Kismaayo tan iyo markii loo doortay xilkaShariif-Xasan-Sheekh-Aadan madaxweynenimada ayaa wararku waxay sheegayaan inay tahay mid uu ku doonayo inuu maamulkaas Iskaashi kula sameeyo, maadaama ay labada maamul yihiin soohdin wadaag.

Mudane Shariif Xasan oo horay uga tirsanaa xildhibaannada baarlamaanka ayaa loo xilka madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed loo doortay 17-kii bishii hore ee November ee sanadkan, kaddib muran iyo buuq badan oo sameynta maamulkan ka dhashay.

Waxaa lagu waddaa in xubnaha wafdiga ay is arkaan ama la kulmaan mas’uuliyiinta maamulka Jubba, inkastoo aan weli la ogeyn sida wariyuhu sheegayo inta maalmood ee ay qaadan doonto booqashada uu Shariif Xasan ku tagay Kismaayo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!